30/08/2025
Isbeddelka Dhabta ah Gudaha ayuu
Ka Bilaabmaa
Nolosha mar walba waxay leedahay laba waddo: mid dibadda ka imaanaya iyo mid gudaha ka soo baxaya. Dibadda marka wax inagu jebiyaan, waxay inta badan keenaan murugo, dhaawac iyo quus. Laakiin marka xoogga iyo isbeddelka ka
vimaado gudaha nafteena, nolol cusub ayaa furmata.
Sida ukunta oo kale, haddii dibadda laga jebiyo, dhammaad ayaa imanaya. Laakiin marka gudaha laga jebiyo, nolol cusub ayaa soo ifbaxaysa-nolol
xoog leh oo leh rajo iyo awood.
Waxaa muhiim ah in aan fahanno in guusha, farxadda iyo horumarka dhabta ahi aysan ka iman
dibadda, ee ay ka bilaabmaan gudaha qalbigeena.
Halkan ayuu ku jiraa xoogga runta ah, halkan ayuu ku yaallaa hal-abuurka, halkan ayayna ku garsoon yihiin waxyaabaha waaweyn ee aan ku gaarno
mustaqbalka.
Marka aad dareento culays, ogow gudahaaga inuu yahay halka uu isbeddelka runta ahi ka bilowdo.
Haddii aad gudahaaga ka jebiso caqabadaha,
shakiga iyo cabsida, waxaad abuuraysaa nolol
cusub oo ifaysa.
Xusuusnow: Waxyaabaha ugu waaweyn ee dunida ka jira,gudaha ayay ka Bilaabmaan•📝✅