Tigers Football Club

Tigers Football Club kuso dhawaw page ka koxda facawayn leh ee fc tiger's 🐅

Aad baan uga xunahay dhibka idin qabsaday sxpayaal, Diomond fc  laakiin dhibkaasi idinka oo keliya idinma haysto, dhamma...
30/08/2026

Aad baan uga xunahay dhibka idin qabsaday sxpayaal, Diomond fc
laakiin dhibkaasi idinka oo keliya idinma haysto, dhammaanteen ayuu ina wada hayaa. Gaadiidka degmada waxaa iska leh degmada iyo dadkeeda, mana aha hanti ay leeyihin oo ay xaafadahodu gaar u leeyihiin. Waa wax laga xumaado in dhalinyarada degmada marka ay tartamo iyo koobab u baxayaan lagu guumaysto gaadiidka degmada, iyadoo masuuliyiin isku haystaan cidda gaadhiga leh.

‎Gaadiidku waa adeeg loo sameeyay degmada iyo dhalinyaradeeda, ee ma aha wax shaqsiyaad lagu maamulo. Inta dhibkan laga aamusnaadana, dhalinyaradu way sii dhibtoonaysaa. Waa waqtigii si cad loo sheegi lahaa: gaadiidka degmada waa hanti guud, qof gaar ahna xaq uma laha inuu u isticmaalo dano shaqsiyeed ama xaafadeed. ⚽✊

FC Tigers waxay shalay soo bandhigeen ciyaar qurux badan oo ay ku dheehnayd dadaal iyo xirfad Kooxdii nala ciyaartay fc ...
22/07/2026

FC Tigers waxay shalay soo bandhigeen ciyaar qurux badan oo ay ku dheehnayd dadaal iyo xirfad

Kooxdii nala ciyaartay fc brothers deg/gunagado markii ay garoonkeenna yimaadeen si wanaagsan ayaan u soo dhoweynay, garsoore daacad ah ayaana ciyaarta u dhiibnay. Ciyaartuna waxay ku dhammaatay jawi wanaagsan, natiijaduna way ka farxisey iyaga anaguna kamanan xumaan

Anagana markii aan booqannay magaalada gunagado, si wanaagsan ayaa naloo martiqaaday, taasna waan uga mahadcelineynaa. Si kastaba ha ahaatee, waxaan ka xunnahay in garsoorihii shalay uusan u muuqan mid dhexdhexaad ah, taas oo dhaawacday kalsoonidii ciyaarta.

Kubadda cagtu waa ilbaxnimo, horumar iyo is-ixtiraam. Garsoorku waa inuu noqdaa mid caddaalad ah oo labada kooxood si siman ula dhaqma, si ciyaartu u noqoto mid lagu tartami karo ee aan lagu kala eexan 🙏

Mahadsanidiin.

🚌 Safar KubadeedKooxda Tigers FC ayaa u ambabaxday degmada Gunagado, iyagoo halkaas kula ciyaari doona kulan saaxiibtini...
21/07/2026

🚌 Safar Kubadeed
Kooxda Tigers FC ayaa u ambabaxday degmada Gunagado, iyagoo halkaas kula ciyaari doona kulan saaxiibtinimo/tartan ah koox ka dhisan degmada Gunagado. Waxaan kooxda u rajaynaynaa safar nabdoon iyo guul. Guul Tigers! 💛🖤🐅

🎉 Hambalyo Future FC! 💙⚽Guushoodii 9-aad oo xiriir ah, welina lama garaacin! 💪🔥Maanta waxay kooxda Roma ee degmada Gunag...
11/07/2026

🎉 Hambalyo Future FC! 💙⚽

Guushoodii 9-aad oo xiriir ah, welina lama garaacin! 💪🔥

Maanta waxay kooxda Roma ee degmada Gunagado ku garaaceen 1-0.

⚽ Gool: Show
🅰️ Caawin: Cadnan Badal

9 guul, 0 guuldarro. Future FC waxay sii wadaan safarkooda cajiibka ah. Hambalyo dhammaan ciyaartoyda, tababarayaasha iyo taageerayaasha! 👏🏆

🚨 Maanta Garoonka Awaare!Waxaa maanta Garoonka Awaare ka dhici doonta ciyaar xiiso badan oo u dhaxaysa Future FC (Degmad...
11/07/2026

🚨 Maanta Garoonka Awaare!

Waxaa maanta Garoonka Awaare ka dhici doonta ciyaar xiiso badan oo u dhaxaysa Future FC (Degmada Awaare) iyo FC Roma (Degmada Gunagado).

Ku soo dhowaada FC Roma, saaxiibbayaal. Waxaan idiin rajaynaynaa safar wanaagsan iyo ciyaar qurux badan. Wixii Ilaahay inoo qoro ayaan wada arki doonnaa.

⚽🤝

Hambalyo weyn ayaan u dirayaa kooxda Tigers! 🏆💙Guushan maanta ma aha mid si fudud lagu helay. Waa natiijada dadaal joogt...
07/07/2026

Hambalyo weyn ayaan u dirayaa kooxda Tigers! 🏆💙

Guushan maanta ma aha mid si fudud lagu helay. Waa natiijada dadaal joogto ah, samir badan, iyo shaqo adag oo aad muddo dheer u soo hurteen. Waxaad soo martay waqtiyo adag, guulo iyo caqabado, laakiin marna ma niyad jabin. Waxaad rumaysnaydeen himiladiinna, ugu dambayna waad gaadheen.

Inaad ku guulaysataan laba koob oo isku xiga waa taariikh iyo sharaf ay koox kastaa ku hamido. Tani waxay caddeyn u tahay in dadaalka, isku duubnida, iyo kalsoonidu ay guusha horseedaan. Runtii, waxa la yidhaahdaa "Waxa loo samro ayaa la helaa," idinkuna maanta waxaad tusaale u tihiin hadalkaas.

Hambalyo ciyaartoyda, tababarayaasha, maamulka, iyo taageerayaasha garab istaagay kooxda. Ilaahay ha idiin barakeeyo guulihiinna, hana idiin siyaadiyo koobab kale iyo horumar ka sii weyn. Tigers waxay maanta muujiyeen in guushu ay timaaddo marka la isku duubnaado oo aan la quusan.

Mar labaad, hambalyo Tigers! Laba koob oo isku xiga waa guul aad ku mutaysateen dadaalkiinna. Guulo badan oo ka sii waaweyn ayaan idiin rajaynayaa. 🏆🏆👏💙

Intas kadib
Waxaan hambalyo iyo ixtiraam u diraynaa kooxda Gunners. Waxay muujiyeen tartan adag, diyaar garow wanaagsan, iyo ciyaaro heer sare ah intii uu koobku socday. Waxay ahaayeen koox aan laga badin tartanka oo dhan, taasoo muujinaysa awooddooda iyo dadaalkooda.

In kasta oo aan maanta koobka ka qaadnay, haddana waxaan rabnaa inaan u muujinno maamuus iyo qaddarin. Kubaddu waa guul iyo guuldarro is beddela, waana waxa ciyaarta ka dhiga mid qurux badan.

Waxaan idin leenahay saaxiibbayaal, halkaas kuma eka ee meel ka sii weyn ayaad gaadhi kartaan haddii aad sii waddaan dadaalka iyo isku duubnida. Kubaddu waa bar cad iyo bar madow; maanta annaga ayaa guusha leh, berri cid kale ayay noqon kartaa.

Mahadsanidiin tartankii quruxda badnaa, waxaana idiin rajaynaynaa guulo waaweyn mustaqbalka. Isku arag tartamada soo socda, idinkoo ka sii xoog badan. 🤝⚽🏆

28/06/2026

Penalty or no penelty
Away dadki kubada yaqanay 🤗

🔥 Matchday 2 🔥Tigers 1️⃣–0️⃣ Horyaal 🐯✅⚽ Khalid Badal with a stunning free-kick goal.🏅 Man of the Match: Khalid Badal ⭐T...
27/06/2026

🔥 Matchday 2 🔥
Tigers 1️⃣–0️⃣ Horyaal 🐯✅
⚽ Khalid Badal with a stunning free-kick goal.
🏅 Man of the Match: Khalid Badal ⭐
Two matches, two wins. Tigers keep moving forward! 💪🐯

Furitaankii Tartanka Degmada AwareCiyaartii koowaad: Diamond FC 0 – 1 Tigers FC⚽ Goolka guusha waxaa u dhaliyey Khalid B...
25/06/2026

Furitaankii Tartanka Degmada Aware

Ciyaartii koowaad: Diamond FC 0 – 1 Tigers FC

⚽ Goolka guusha waxaa u dhaliyey Khalid Badal kubbad laad xor ah (Free Kick).

Hambalyo Tigers FC oo ku bilaabatay tartanka guul muhiim ah. 🐯⚽🏆

🏆 Guul: Future FCNatiijada: Future FC 1️⃣ - 0️⃣ Wolves⚽ Gool: Ahmed Faraska🎯 Caawin (Assist): Cadnaan Badal🔥 Future FC a...
23/06/2026

🏆 Guul: Future FC
Natiijada: Future FC 1️⃣ - 0️⃣ Wolves
⚽ Gool: Ahmed Faraska
🎯 Caawin (Assist): Cadnaan Badal
🔥 Future FC ayaa guul muhiim ah ka gaartay Wolves, iyadoo Ahmed Faraska uu dhaliyay goolka keliya ee ciyaarta, caawintana uu bixiyay Cadnaan Badal. 💙⚽

Adresse

Democratic Republic Of The

Téléphone

+251919080279

Site Web

Notifications

Soyez le premier à savoir et laissez-nous vous envoyer un courriel lorsque Tigers Football Club publie des nouvelles et des promotions. Votre adresse e-mail ne sera pas utilisée à d'autres fins, et vous pouvez vous désabonner à tout moment.

Raccourcis

Partager