08/24/2026
Su’aal ayaan u haynaa Xisbiga KAAH
Waxaa isweydiin mudan in Xisbiga KAAH maanta si weyn uga hadlayo qiimaha shidaalka, dhaqaalaha iyo xaaladda bulshada, halka ay jiraan arrimo ka waaweyn oo ku saabsan mustaqbalka Somaliland iyo mowqifka xisbiga.
Haddii xisbiga iyo masuuliyiintiisu h**e uga soo horjeesteen ama shaki geliyeen dadaallada aqoonsiga Somaliland, maxaa keenay in maanta hadallo kulul laga jeediyo arrimaha gudaha iyadoo aan shacabka loo caddeyn mowqifka xisbiga ee arrimaha qaran?
Shacabka Somaliland waxay xaq u leeyihiin inay ogaadaan:
Mowqifka KAAH ee aqoonsiga Somaliland waa maxay?
Mowqifkiinnu ma isbeddelay mise weli waxaad taagan tihiin hadalladii h**e?
Dood siyaasadeed waa la yeelan karaa, laakiin arrimaha qaran waxay u baahan yihiin mowqif cad, daacadnimo iyo isla xisaabtan. Shacabka laguma qancin karo oo keliya hadallo kulul oo loo jeediyo xukuumada. waxay rabaan inay ogaadaan halka xisbi kastaa ka taagan yahay mustaqbalka Somaliland.