04/03/2026
Maanta waa 15-ka Ramadaan 🤍🌙
Alxamdulilaah 15-kii maalmood ee h**e way inoo dhammaadeen, waxaana inoo bilaabanaya 15-ka dambe ee bisha barakeysan ee Ramadaan.
Taageerayaasha sharafta leh ee Naadiga Jeenyo Football Club, waxaan idiin rajeynayaa anfur wanaagsan, cibaado suuban iyo camal kheyr leh. Qeybta dambe ee Ramadaanka waa fursad qaali ah, aan ku dadaalno ducada, salaadda, sadaqada iyo is cafinta.
Ilaahay ha inaga aqbalo soonka iyo cibaadada, hana inaga dhigo kuwii ka faa’iideysta fadliga habeenada kheyrka badan leh.
Anfur wanaagsan Jeenyo Fans 💙⚽🌙
Zachy Idoora