11/06/2025
OGAYSIIS: TOBABARKA FEEDHKA
Xidhiidhka Feedhka Somaliland waxa uu si xushmad leh ugu dhawaaqayaa tababar gaar ah oo loogu talogalay dhalinyarada xiisaynaysa ciyaarta feedhka, wiilal iyo gabdho labadaba.
Ujeeddada Tobabbarka:
In la siiyo dhalinyarada fursad ay ku bartaan xirfadaha aasaasiga ah ee ciyaarta feedhka, kor loogu qaado kartidooda jidheed iyo maskaxeed, iyo dhiirrigelinta ka qaybqaadashada ciyaaraha isboortiga ee Somaliland.
Faahfaahinta Tobabbarka:
📍 Goobta: Qantara Charity Organisaton
📅 Taariikhda bilaabashada: 12-June-2025
🕒 Waqtiga: 4:00 Casarnimo
🎯 Da'da loo oggol yahay: 19– 30 sano
🧥 Labiska: Dharka isboortiga Feedhka oo xarunta yaalla.
Faa’iidooyinka Ka Qaybgalka:
1. Tababbarka oo bilaash ah
2. Tababbarayaal aqoon sare leh
3. Qalab feedh oo la heli karo
4. Shahaado la siin doono dhammaan ka qaybgalayaasha dhammaysta tobabbarka
Sida Loo Isdiiwaangeliyo:
Fadlan la xidhiidh xarunta Xidhiidhka Feedhka Somaliland ama wac lambarka: 4224965.
Tobabbarkani waxa uu furan yahay dhammaan dhalinyarada leh rajo iyo rabitaan inay horumariyaan xirfadooda feedhka.
Ka faa’iidayso fursaddan dahabiga ah!