25/05/2022
Qoraalkan hoose waxaa qoray wasiir kuxigenka madaxtooyada, Farouk Warfaa.
Masuulku wuxuu sheegay in Jig-jiga Garowe iyo Hargaysa la barbar dhiggo,oo aan la barbar dhigin Adama[Oromiya] iyo Harar.
Waxaan qabaa inaan dhawr arrimood masuulkan waydiino;
1) Garoowe iyo Haragaysa ma waxaa ka jira Finanacial instiuations addag oo ay Dowlad xooggan[Banki dhexe] gacanta ku hayso?Ma Dowladdo gacanta ku haya siyaasadda dhaqaalle ee Monetary iyo Fiscal Policy ayaa ka jira?[Sowka Magaaloyinkaas halki Dollar marayo dhawrka kunee shilin].Siddeen halkaas Jigjiga u barbar dhiggi karnaa?
2) Garowe iyo Hargaysa ma waxaa ka jira shidaal Dowladdu soo iibiso oo ay shacabka ka siiso qiimo dunnida kale ka jaban.Sow halkii shidaalka Itoobiye kotarabanka loo dhoofinayay ma ahayn?
3) Garowe iyo Hargaysa ma waxay helaan raashin kabis ah[Salliid,sonkor iyo daqiiq] Dowladdu usoo iibiso?oo keddibna danyarta layasiii iibiyo?
4) Adama iyo Harar waxay leeyihiin ganacsato Dowladdu taagerto(Dollar,kebisba),sow gar maaha inay Jigjiga hesho,siddeen Garowe isu barbar dhigi karnaa?
5) Adama iyo Harar canshuur dhaaf iyo agab kale oo ay Dowladdu soo galiso ayay helaan,sicirkana Dowladda ayaa qiimaha u goysa waxkasta.
6) Adama iyo Jig-jiga lagama oggola inaad allaab waawayn(machinery iyo gaadiid) lasoo degto,oo siyaasadda waxsoosarka guddaha dalka ayaa lagu kobciyaa,waa kotorabandhi ayaaa lagu odhan..Markaa siddeen Jig-jiga ku barbar dhigi karnaa Garowe iyo Hargaysa.
W-Q: Macalinka Soomaliyed(Ms)
VOSS TV