Horyaal Sports News

Horyaal Sports News Wararka Cayaaraha, Iyo Warbixinnada, Suuqa Kala Iibsiga & Dhacdooyinka Cayaaraha Caalamka.

⚽ Warmaxan vs GantaalahaKulanka u dhexeeya Warmaxan iyo Gantaalaha ayaa noqonaya kulan labada kooxoodba si weyn ugu baah...
08/08/2026

⚽ Warmaxan vs Gantaalaha
Kulanka u dhexeeya Warmaxan iyo Gantaalaha ayaa noqonaya kulan labada kooxoodba si weyn ugu baahan yihiin inay ka helaan 3-da dhibcood.
Labada kooxood ayaa labadii kulan ee ugu dambeeyay ku fashilmay inay wax dhibco ah ka helaan, taasoo ka dhigaysa kulankan mid xasaasi ah. Guuldarro kale waxay cadaadis dheeraad ah saari kartaa midkood, halka guushu ay kooxdii hesha siin karto fursad ay kaga soo kabato bilowga adag ee horyaalka.
Warmaxan waxay doonaysaa inay kulankan ku joojiso natiijooyinka aan fiicnayn, halka Gantaalaha ay iyaduna garwaaqsan tahay in waqtigu yahay mid muhiim ah oo loo baahan yahay in dhibcaha la raadiyo.

Horyaalka Heerka 2AAD – Kulamadii 2-aad oo Soo GabagaboobayKulamadii labaad ee Horyaalka Heerka 2AAD Ee Degmada Wanlewey...
06/08/2026

Horyaalka Heerka 2AAD – Kulamadii 2-aad oo Soo Gabagaboobay
Kulamadii labaad ee Horyaalka Heerka 2AAD Ee Degmada Wanleweyn ayaa si rasmi ah u soo idlaaday, waxaana tartanku galay marxalad xiiso badan iyadoo kala sarreynta kooxuhu ay si cad u bilaabatay.
Kooxda Al Itihaad ayaa hoggaanka horyaalka sii haysa kadib markii ay urursatay 6 dhibcood laba kulan oo xiriir ah, iyadoo dhalisay 10 gool isla markaana aan wax gool ah laga dhalin. Waxaa ku xiga kooxaha Simacot iyo Al Huda, kuwaas oo iyaguna leh 6 dhibcood, taasoo muujineysa tartan adag oo loogu jiro hoggaanka.
Dhanka kale ee jadwalka, Albaxar, Iftiin, iyo Cagaboorey ayaa weli rajeynaya inay u soo dhowaadaan kooxaha sare, iyadoo kulamada soo socda ay door weyn ka qaadan doonaan isbeddelka kala sarreynta.
Dhanka kale, waxaa wali guuldarro xiriir ah ku socda saddex kooxood oo aan weli wax dhibic ah helin:
FC Warmaxan
Atlas
Gantaaalaha
Kooxahan ayaa laba kulan laga badiyey, waxaana saaran cadaadis weyn si ay dhibcohoodii ugu horreeyay u helaan kulamada xiga.
Horyaalka ayaa weli ku jira billowgiisa, waxaana la filayaa in toddobaadyada soo socda ay keenaan tartan aad u adag iyo isbeddello waaweyn oo ku yimaada kala sarreynta kooxaha.

Kooxda Al Itihaad ayaa gaartay guusheedii labaad kaddib markii ay 3–0 ku garaacday Atlas. Waxayna soo bandhigeen ciyaar ...
05/08/2026

Kooxda Al Itihaad ayaa gaartay guusheedii labaad kaddib markii ay 3–0 ku garaacday Atlas. Waxayna soo bandhigeen ciyaar adag oo ay si buuxda u maamuleen, iyagoo xaqiijiyey saddexda dhibcood.

Dhinaca kale, Atlas ayaa la kulmeysa guuldarradeedii labaad, taas oo cadaadiska ku sii kordhinaysa kooxda iyadoo u baahan inay dib isu saxdo kulamada soo socda

Cagabooreey oo guushii ugu horreysay gaartay, Warmaxan oo wali guuldarrooyi la daalaa dhacaysa.Kooxda Cagabooreey  ayaa ...
03/08/2026

Cagabooreey oo guushii ugu horreysay gaartay, Warmaxan oo wali guuldarrooyi la daalaa dhacaysa.

Kooxda Cagabooreey ayaa soo bandhigtay ciyaar adag waxayna 3–2 kaga adkaatay Warmaxan, iyagoo helay saddexdoodii dhibcood ee ugu horreeyay horyaalka Guushan ayaa kor u qaadaysa kalsoonida kooxda, kadib markii kulankii furitaanka ay guuldarro kala kulmeen Al Huda.
Dhanka kale, FC Warmaxan ayaa sii wadata natiijooyin aan wanaagsanayn. Kadib guuldarradii 7–0 ahayd kulankii h**e, maanta waxay mar kale la kulmeen guuldarro 3–2 ah, taasoo ka dhigeysa inay wali ku jiraan waddadii guuldarrooyinka.
Labada koox ayaa weli haysta fursad ay ku soo kaban karaan, balse Cagabooreey waxay maanta muujiyeen horumar muuqda

Cagaboorey  vs  Warmaxanwaxaa garoonka Aaw Ameelow Stadium ku ballansan kulan xiiso leh oo ka tirsan Horyaalka Heerka 2-...
02/08/2026

Cagaboorey vs Warmaxan
waxaa garoonka Aaw Ameelow Stadium ku ballansan kulan xiiso leh oo ka tirsan Horyaalka Heerka 2-aad, iyadoo ay foodda is dari doonaan kooxaha Cagaboorey iyo Warmaxan.
Labada kooxood ayaa kulamadoodii koowaad ku bilaawday guuldarrooyin, taasoo ka dhigeysa in kulankan uu noqdo mid xiiso gaar ah u leh labada kooxood
Cagaboorey FC ayaa kulankii furitaanka guuldato 1-0 kala kulantay kooxda Al Huda.
sidoo kale Warmaxan ayaa la kulantay guuldarradii ugu cusleyd ee wareegga koowaad, kadib markii 7-0 looga awood roonaaday.
Labada dhinacba waxay usoo galayaan kulankan iyagoo doonaya guushoodii ugu horreysay ee horyaalka, waxaana la filayaa inay soo bandhigaan ciyaar ay ka muuqato dadaal, tartan iyo rabitaan ay ku kasbanayaan saddexda dhibcood.
Yaa qaadan doona saddexda dhibcood? Cagaboorey mise Warmaxan? ⚽🏆

Kooxda Simacot ayaa sii wadata bilowgeedii fiicnaa ee horyaalka, kadib markii ay 2–0 kaga adkaatay kooxda Al Hilaal, isl...
02/08/2026

Kooxda Simacot ayaa sii wadata bilowgeedii fiicnaa ee horyaalka, kadib markii ay 2–0 kaga adkaatay kooxda Al Hilaal, islamarkaana ay heshay saddex dhibcood oo muhiim ah.
Kooxda Al Hilaal waxay kulankeedii ugu horreeyay 1–1 barbaro kula gashay kooxda Happy Star, halka Simacot ay saddex dhibcood ku heshay guul dhibco wareejin (3–0 Forfeit) kadib markii kooxda Awdiiroow aysan kasoo xaadirin kulankii loo qorsheeyay.
Guushan cusub waxay ka dhigeysaa in Simacot ay sii xoojineyso booskeeda horyaalka iyadoo muujisay qaab ciyaareed adag, halka Al Hilaal ay weli raadineyso guusheedii ugu horreysay ee tartanka.
Natiijada k**a dambaysta ah: Al Hilaal 0–2 Simacot
FULLTIME ⚽

Hambalyo, hambalyo FC BAKAAL oo ku guuleysatay Koobka Bug Baxda 2026 kadib ciyaar aad u xiiso badan.⚽ Natiijada Final-ka...
31/07/2026

Hambalyo, hambalyo FC BAKAAL oo ku guuleysatay Koobka Bug Baxda 2026 kadib ciyaar aad u xiiso badan.
⚽ Natiijada Final-ka:
FC Bakaal 0–0 Milan (90 daqiiqo)
Rigoorayaal: FC Bakaal 6–5 Milan
Labada koox ayaa soo bandhigay ciyaar adag oo 90-kii daqiiqo ku dhammaatay barbaro goolal la'aan ah. Waxaa loo gudbay rigoorayaal, halkaas oo FC Bakaal ay muujisay geesinimo, degganaansho iyo xirfad, kuna guuleysatay 6–5.
Waxyaabaha lagu xasuusan doono koobkan:
🏆 FC Bakaal waa guuleystaha cusub ee Koobka Bug Baxda.
⚽ Final adag oo aan wax gool ah laga dhalin waqtigii caadiga ahaa.
🥅 Rigoorayaal xamaasad badan oo Bakaal ku guuleysatay 6–5.
👏 Kooxda oo soo bandhigtay difaac adag iyo isku duubni ilaa dhammaadka.
🎉 Taageerayaasha Bakaal oo u dabaaldegaya koob si taariikhi ah loo qaaday.
🎊 Hambalyo FC BAKAAL! Boqorradii Koobka Bug Baxda 2026. Guushan waa mid ku timid dadaal, wadajir iyo geesinimo. Taariikh cusub ayaa uqorantay kooxda bakaal
💖💛 HAMBALYO! HAMBALYO!! HAMBALYO FC BAKAAL!!! 🏆🥇🎉

⚽ Milan 🆚 Bakaal📅 Taariikhda: 31/07/2026🕟 Saacadda: 4:30 GalabnimoBeri galab waxaa la ciyaari doonaa k**a dambaysta Koob...
30/07/2026

⚽ Milan 🆚 Bakaal
📅 Taariikhda: 31/07/2026
🕟 Saacadda: 4:30 Galabnimo
Beri galab waxaa la ciyaari doonaa k**a dambaysta Koobka Bug Baxda, iyadoo ay foodda is dari doonaan labada kooxood ee Milan iyo Bakaal, kuwaas oo soo maray safaro adag si ay u gaaraan finalka.
Kooxda Milan ayaa dooneysa inay ku guuleysato koobka, kadib bandhigyo wanaagsan oo ay sameysay intii uu socday tartanku. Dhinaca kale, Bakaal waxay doonaysaa inay taariikh cusub qorto, iyagoo rajeynaya inay gacanta ku dhigaan koobkaan
Kulankan waxaa la filayaa inuu noqdo
⚔️ Tartan adag oo u dhexeeya laba kooxood oo qaab ciyaareed wanaagsan soo bandhigay.
🌟 Xiddigaha labada kooxood oo la filayo inay door weyn ka qaataan natiijada.
👥 Taageerayaal badan oo garoonka u iman doona si ay u dhiirrigeliyaan kooxahooda.
Su'aasha ugu weyn ayaa ah:
🏆 Kooxdee ayaa qaadi doonta Koobka Bug Baxda 2026? Milan mise Bakaal?
Ha moogaan kulanka k**a dambaysta ah ee berri galab – waa ciyaarta go'aamin doonta kooxda ku guuleysaneysa Koobka 2

Kooxda Iftiin ayaa xaqiijisay kaalinta 3-aad ee tartanka kadib guul adag oo ay ka gaartay ciyaartii galabta.⏱️ 90 daqiiq...
30/07/2026

Kooxda Iftiin ayaa xaqiijisay kaalinta 3-aad ee tartanka kadib guul adag oo ay ka gaartay ciyaartii galabta.
⏱️ 90 daqiiqo: 2–2
⚽ Rigoorayaal: Iftiin 5–3
Labada dhinac ayaa soo bandhigay ciyaar adag oo xiiso badan, balse markii lagu kala bixi waayay waqtigii caadiga ahaa, rigoorayaasha ayay kooxda Iftiin ku muujisay degganaansho iyo firfircooni iyagoo ku adkaaday 5–3.
🏅 Sidaas darteed, Kooxda Iftiin waxay si rasmi ah ugu guuleysatay Kaalinta 3-aad ee tartanka.
Hambalyo Kooxda Iftiin!
Guushan waxay ka timid dadaal, wadajir iyo geesinimo ay muujiyeen ciyaartoyda iyo tababareha kooxda. Waxay mudan yihiin bogaadin iyo hambalyo ku aaddan guushan qiimaha badan

Hordhaca Kulanka – Kaalinta 3-aad ee Koobka Bug Baxda 2026Ka dib safar adag dadaal ay ku soo mareen tartanka, Baaraan  i...
29/07/2026

Hordhaca Kulanka – Kaalinta 3-aad ee Koobka Bug Baxda 2026
Ka dib safar adag dadaal ay ku soo mareen tartanka, Baaraan iyo Iftiin ayaa isku wajihi doona kulankan lagu kala saarayo kaalinta 3-aad ee Koobka Bug Baxda 2026. Inkastoo labada koox aysan gaarin final-ka, haddana kulankani wuxuu leeyahay muhiimad weyn maadaama kooxda guuleysata ay ku dhammaysan doonto tartanka iyadoo joogta kaalinta saddexaad.
Labada naadi waxay doonayaan inay taageerayaashooda siiyaan guul ay ku soo afmeeraan tartanka, waxaana la filayaa ciyaar adag ay soo bandhigi doonaan dadaal iyo xirfad sare.leh

Address

Wanle Weyne
25261

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Horyaal Sports News posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to Horyaal Sports News:

Shortcuts

Share