Somali Journalists Syndicate - SJS

Somali Journalists Syndicate - SJS Independent and Union of Journalists in Somalia | Winner of Human Rights Tulip Award 2025 | Member of IPI, CRN, CAJ, UNCAC & CIVICUS Coalition.

SJS is a proud member of the International Press Institute (IPI, Congress of African Journalists (CAJ) and the global Alliance of Civil Society organisations (CIVICUS).

02/06/2026

π‚πŽπƒπŠπ€ππ”π‹π’π‡π€πƒπ€:Banaanbaxyada Muqdisho, Hanjabaadda dowladda iyo Rabitaanka Shacabka

31/05/2026

π‚πŽπƒπŠπ€ππ”π‹π’π‡π€πƒπ€ 𝟏/𝟐:Maxaa dhici doona haddii ay dowladdu dhegaysan weydo kacdoonka shacabka Muqdisho?

"Hassan Sheikh Mohamud ayaa xilka ka tagaya, ama waan ku dhimanaynaa bannaanbaxyada."

β€” Abdifatah Qorane, oo ka mid ah abaabulayaasha mudaaharaadyada.

30/05/2026

π†πŽπŽπ’π†πŽπŽπ’: π‚πŽπƒπŠπ€ 𝐁𝐔𝐋𝐒𝐇𝐀𝐃𝐀– Xogta kacdoonka Muqdisho, weerarrada booliiska, bannaanbaxa 4-ta Juun ee loo ballansan yahay iyo qorshayaasha is-diiddan ee mucaaradka iyo dowladda.

Waxaa marti ku ah Abdifatah Qorene oo kamid ah dadka hogaaminaya kacdoonka.

BAYDHABO: Somali Journalists Syndicate - SJS waxay walaac ka muujineysaa falalka sii kordhaya ee xarigga sharci darrada ...
30/05/2026

BAYDHABO: Somali Journalists Syndicate - SJS waxay walaac ka muujineysaa falalka sii kordhaya ee xarigga sharci darrada iyo hanjabaadda ay ku dheehan tahay cadaadiska ee lagula kacaayo suxufiyiinta ka hawlgala magaalada Baydhabo, iyadoo falkii ugu dambeeyay Isniintii lagu xiray wariye Cabdiraxmaan Xasan Maxamed oo ka hawlgala Gacal Media.

Cabdiraxmaan ayaa Isniintii kasoo warramay cabashada dumarka qaadka ku iibiya Baydhabo oo dhac hubeysan kala kulmay ciidan ka tirsan kuwa ay Dowladda Federaalka geysay Baydhabo.

Somali Journalists Syndicate - SJS waxay u soo jeedineysaa booliska Baydhabo inay ka waantoobaan falalka beegsiga suxufiyiintam halkii ay wax ka qaban lahaayeen cabashada ay qabaan dadweynaha deegaanka - oo ay haweenka ka midka yihiin.

https://sjsyndicate.org/2026/05/30/arrest-of-a-local-journalist-in-baidoa-signals-growing-threats-to-media-freedom-in-south-west-state-amid-armed-conflict-and-humanitarian-crisis/

LAASCAANOOD: Somali Journalists Syndicate - SJS waxay si adag u cambaareyneysaa falka xarigga ah ee loo geystay wariye K...
30/05/2026

LAASCAANOOD: Somali Journalists Syndicate - SJS waxay si adag u cambaareyneysaa falka xarigga ah ee loo geystay wariye Khadar Tarabi oo ka mid ah suxufiyiinta ka hawlgala deegaanka, kaas oo maalintii Khamiista laga soo xiray deegaanka Kalabaydh ee gobolka Sool.

Khadar wuxuu bartiisa Facebook ku baahiyay qoraal ku saabsan booqashada Wasiirka Caddaaladda ee Puntland uu maalmihii Ciidda ku tagay deegaanka Kalabaydh, taasoo ah warbixin saxaafadeed oo ay suxufiyiintu xaq u leeyihiin.

waxay ku baaqaysaa in si deg deg ah oo shuruud la'aan ah lagu siidaayo suxufiga, lana joojiyo falalka xarigga iyo caburinta warbaahinta ee dhowaanahan ku soo laalaabtay deegaanka Waqooyi Bari.

https://sjsyndicate.org/2026/05/29/journalist-detained-without-charge-following-social-media-post-about-puntland-ministers-visit-to-sool-region/

22/05/2026
22/05/2026

Somali Journalists Syndicate - SJS waxay walaac ka muujineysaa hadalka dhowaan kasoo yeeray guddoonka qeyb ka mid ah Guddiga Dowladda ee Xuquuqda Aadanaha oo hadda labo u kala qeybsan - hadalkaas oo ku baaqaayay in "la xadido" isticmaalka warbaahinta bulshada ee gudaha Soomaaliya.

Dhawaaqaan wuxuu halis ku yahay xorriyadda hadalka iyo warbaahinta xilli ay meel un marayaan weerarada caburinta ee lagu haayo suxufiyiinta iyo warbaahinta Soomaaliyeed, isla markaana badan loo xirxiray soo gudbinta aragtidooda dastuuriga ah.

Somali Journalists Syndicate - SJS waxay dareensan tahay in Guddiga Xukuumadda sameysatay ee Xuquuqul Insaanka uu hadda labo koox u qeybsan yahay, taasoo daba joogta war saxaafadeedkii (qeybta hoose ka eeg war saxaafadeedkaπŸ‘‡πŸΎ) ay koox ka mid ah soo saareen horraantii Febraayo ee sannadkan, ka dib habkii mugdiga ahaa iyo is-qabqabsigii ka dhashay magacaabista xukuumadda ee xubnaha guddigaan.

https://www.facebook.com/reel/971430438918166

🚨 WARGELIN: SUXUFIYIINTA XORTA AH EE SOO TEBINEYSA MUDAAHARAADYADA MUQDISHO- Mudaaharaadyada waa mid ka mid hawlaha muhi...
09/05/2026

🚨 WARGELIN: SUXUFIYIINTA XORTA AH EE SOO TEBINEYSA MUDAAHARAADYADA MUQDISHO

- Mudaaharaadyada waa mid ka mid hawlaha muhiimka ah ee warbaahinta kasoo warranto meel kasta dunida.

- Dastuurka Soomaaliya wuxuu ogolaanayaa tebinta warbaahinta xorta ah, iyo ka qeyb galka mudaaharaadyada.

- Suxufiyiinta waa inay ka taxaddaraan amnigooda gaarka ah, iyagoo dadweynaha u soo tebinaaya dhacdooyinka mudaaharaadka.

- Waa muhiim in suxufiyiinta ay si dhow u wargeliyaan xarumahooda had iyo jeer, si looga warqabo goobta ay joogaan.

- Waxaa suuragal ah in la beegsado suxufiyiinta iyo qalabkooda, sidaa darteed waa in wariyaasha maanka ku hayaan, ayna qorsheeyaan sidii ay u badbaadsan lahaayeen xogtooda iyo qalabkooda.

- SI SJS KAAGA WAR HEYSO, NAGALA SOO XIRIIR: WHATSAPP: 0612 4480 44EMAIL: [email protected]

"WAAN KA DAALNAY XARIGGA WARIYAASHA, HADDA KA DIB WAA DIL!" - Taliyaha Booliska G/Banaadir, Ex-Shabaab Macalin MahdiMark...
09/05/2026

"WAAN KA DAALNAY XARIGGA WARIYAASHA, HADDA KA DIB WAA DIL!" - Taliyaha Booliska G/Banaadir, Ex-Shabaab Macalin Mahdi

Markii xalay la afduubay saddexda wariye ee kala ah: Maxamed Bulbul, Cabdixafiid Nuur Barre iyo Cabdishakuur Maxamuud, waxaa xilli dambe la geeyay xarunta Taliska Booliska G/Banaadir, halkaas oo qol loogu geeyay Mahdi Cumar Muumin oo ku caan ah magaca Macalin Mahdi.

Macalin Mahdi, oo hadda ah Taliyaha Booliska G/Banaadir, horeyna u ahaan jiray xubin ka tirsan kooxda argagixisada ee Shabaab, ayaa ku goodiyay in haddii suxufiyiinta ay ka aamusi waayaan tebinta bannaanbaxyada, iyo kiiska Sacdiyo Bajaaj, in markaan ka dib "la dili doono!."

Macalin Mahdi ayaa suxufiyiinta u sheegay "inay ka daaleen xarigga suxufiyiinta.".

https://sjsyndicate.org/2026/05/09/u-s-trained-somalia-counter-terrorism-police-nisa-physically-attack-journalists-kidnap-them-in-mogadishu/

Address

Maka Al-Mukarama
Mogadishu
252

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Somali Journalists Syndicate - SJS posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to Somali Journalists Syndicate - SJS:

Share