03/09/2026
๐ General Daโuud Cup 2026 โ Gabdhaha ๐
Laba Sano kadib oo ay Bahda kubadda Koleyga Soomaaliyeed si Weyn u Sugayeen Dib-u-soo-Noqoshada Tartankan Qiimaha Badan, Waxaa Maalmaha soo Socda si Rasmi ah u Furmaya Tartanka General Daโuud Cup ee Gabdhaha 2026. Tartankan oo ka mid ah kuwa ugu Magaca Weyn Kubadda koleyga Soomaaliya ayaa Mar kale isu Keenaya kooxaha ugu Wanaagsan, Taageerayaasha Ciyaaraha iyo dhammaan Dadka jecel Horumarka Gabdhaha Soomaaliyeed ee dhinaca isboortiga.
05 Sebtembar 2026 Waxay Noqon Doontaa Maalin Taariikhi ah oo Dib loo Daawado Hibada, Kartida iyo Dadaalka Ciyaartooyda Gabdhaha, kuwaas oo Muddo Dheer u soo Diyaar Garoobayay inay Muujiyaan Awooddooda iyo Hammigooda. Garoonka Wiish Stadium Wuxuu Marti Gelin Doonaa Xaflad Furitaan oo ay Hareyn Doonto Xamaasad, Farxad iyo Taageero aan kala go' Lahayn.
Koobkan Ma aha oo kaliya Tartan lagu kala Baxo Guul iyo Guuldarro, balse Waa Astaan Muujinaysa Midnimo, Horumar iyo Fursad ay Gabdhaha Soomaaliyeed ku Gaaraan Heerar sare oo Ciyaareed. General Daโuud Cup Wuxuu sannado Badan ahaa Goob lagu soo Bandhigo Xiddigaha Cusub ee Kubadda koleyga Soomaaliya.
Hambalyo dhammaan kooxaha ka Qeybgalaya Tartanka, Maamulka, Macallimiinta, Garsoorayaasha iyo Taageerayaasha.
Ha guuleysto Dadaalka, Hana iftiinto Hibada Gabdhaha Soomaaliyeed. ๐ธ๐ด๐๐
โจ "Laba Sano kadib, General Daโuud Cup Wuxuu dib u shidayaa iftiinkii kubadda Koleyga Gabdhaha Soomaaliyeed, isagoo furaya bog Cusub oo Guulo, Tartan iyo Taariikh lagu qoro." โจ