23/04/2026
Waxaan si weyn uga xunnahay hadalladii ka soo yeeray Ali Abdullahi Osoble ee ku wajahnaa Ugaaska guud ee Xawaadle, Ugaas Yusuf Ugaas Xasan.
Ugaasku waa astaan sharaf iyo midnimo u ah bulshada, mana habboona in lagu xadgudbo karaamadiisa ama lagu hadlo hadallo meel ka dhac ah.
Sidaas darteed, waxaan ka codsaneynaa Ali Abdullahi Osoble inuu si cad uga bixiyo raalli-gelin arrintaas, si loo ilaaliyo ixtiraamka, wada noolaanshaha iyo dhaqanka suuban ee bulshada.
Midnimada iyo is ixtiraamku waa tiirarka horumarka