Somali National Olympic Committee

Somali National Olympic Committee Guddiga Olombikada Qaranka Soomaaliyeed
The official Page of Somali National Olympic committee

KULAN WADA-TASHIGA HIRGELINTA SIYAASADDA HORUMARINTA ISBOORTIGA ๐Ÿ‡ธ๐Ÿ‡ดWasaaradda Dhallinyarada iyo Isboortiga JFS ayaa maant...
18/08/2026

KULAN WADA-TASHIGA HIRGELINTA SIYAASADDA HORUMARINTA ISBOORTIGA ๐Ÿ‡ธ๐Ÿ‡ด

Wasaaradda Dhallinyarada iyo Isboortiga JFS ayaa maanta kulan wada-tashi ah kula yeelatay xarunta Guddiga Olombikada Qaranka Soomaaliyeed (GOQS), Guddiga Olombikada iyo xiriirrada ciyaaraha ee xubnaha ka ah.

Kulanka oo ay si wadajir ah u Shir guddoominayeen Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Dhallinyarada iyo Isboortiga Mudane Axmed Yusuf iyo Guddoomiyaha GOQS Marwo Suad Galow , ayaa diiradda lagu saaray dhaqan-gelinta Siyaasadda Horumarinta Isboortiga ee ay ansixiyeen Golaha Wasiirrada JFS.

Waxaa sidoo kale laga wada hadlay hawlaha mudnaanta leh, gaar ahaan diyaarinta Qorshe-Hawleedka Isboortiga 2026โ€“2030 iyo Sharciga Qaranka ee Isboortiga, si loo dhiso nidaam isboorti oo casri ah, waara, una horseeda dhallinyarada iyo ciyaartooyda Soomaaliyeed fursado iyo horumar wanaagsan.

GOQS waxaa ka go'an iskaashi dhow oo lala yeesho Wasaaradda iyo xiriirrada ciyaaraha si loo horumariyo mustaqbalka Isboortiga Soomaaliyeed. ๐Ÿ‡ธ๐Ÿ‡ด๐Ÿ…

๐Ÿค GUDIGA OLOMBIKADA OO SOO DHAWEEYAY WASIIRKA DHALLINYARADA IYO CIYAARAHA KGSXarunta Guddiga Olombikada Qaranka Soomaali...
18/08/2026

๐Ÿค GUDIGA OLOMBIKADA OO SOO DHAWEEYAY WASIIRKA DHALLINYARADA IYO CIYAARAHA KGS

Xarunta Guddiga Olombikada Qaranka Soomaaliyeed (GOQS) waxaa shalay lagu soo dhaweeyay Wasiirka Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Koonfur Galbeed Soomaaliya, Mudane Mowlid Xuseen, oo ay wehelisay Xildhibaan Aamino Xasan Eelay.

Waxaa soo dhaweeyay Guddoomiyaha GOQS, Xoghayaha Guud iyo Agaasimaha Maamulka & Maaliyadda.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga, horumarinta ciyaaraha iyo ballaarinta fursadaha dhallinyarada ee Koonfur Galbeed Soomaaliya. ๐Ÿ‡ธ๐Ÿ‡ด๐Ÿค

18/08/2026

Gudoomiyaha Somali National Olympic Committee Marwo Suad Galow oo kusoo dhaweysay Xarunta Gudiga Wasiirka Dhalinyarada iyo Isbortiga Koonfur Galbeed.


17/08/2026

Gudoomiyaha Somali National Olympic Committee Marwo Suad Galow oo kusoo dhaweysay Xarunta Gudiga Xidhibaan Aamino Eelay iyo Wasiirka Dhalinyarada iyo Isbortiga Koonfur Galbeed.

Hambalyo Guuleystayaasha Fasalka 12aad!Guddiga Olombikada Qaranka Soomaaliyeed (GOQS) wuxuu hambalyo u dirayaa dhammaan ...
15/08/2026

Hambalyo Guuleystayaasha Fasalka 12aad!

Guddiga Olombikada Qaranka Soomaaliyeed (GOQS) wuxuu hambalyo u dirayaa dhammaan ardayda Soomaaliyeed ee ku guuleystay Imtixaanka Qaranka, gaar ahaan ardayda kaalmaha h**e galay.

Waxbarashada iyo Isboortiga waa labada tiir ee lagu dhiso karo jiil aqoon, karti iyo hoggaamin leh.

SOMALIA OO RIKOOR  CUSUB DHIGTAY!Guddiga Olombikada Qaranka Soomaaliyeed (GOS)  wuxuu hambalyo u dirayaa orodyahan Abdik...
15/08/2026

SOMALIA OO RIKOOR CUSUB DHIGTAY!

Guddiga Olombikada Qaranka Soomaaliyeed (GOS) wuxuu hambalyo u dirayaa orodyahan Abdikadir Osman Suleyman, oo rikoor qaran cusub ka dhigay orodka 800m U20, kaddib markii uu ku dhammeeyay 1:48 tartan ka dhacay dalka Hindiya.

Hambalyo Abdikadir! Soomaaliya way kugu faanaysaa.

13/08/2026

OMAR ARTAN: SOMALI PRIDE ON THE PITCH

Hambaliyo Maalinta Dhalinyaradda Aduunka, Duruufo Kala Duwan Balse Himilooyin mid ah.
12/08/2026

Hambaliyo Maalinta Dhalinyaradda Aduunka, Duruufo Kala Duwan Balse Himilooyin mid ah.


๐Ÿ€ KOOBKA GENERAL DAAโ€™UUD 2026 OO SI RASMI AH U FURMAYGuddiga Olombikada Qaranka Soomaaliyeed (SNOC) iyo Xiriirka Soomaal...
11/08/2026

๐Ÿ€ KOOBKA GENERAL DAAโ€™UUD 2026 OO SI RASMI AH U FURMAY

Guddiga Olombikada Qaranka Soomaaliyeed (SNOC) iyo Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubadda Koleyga (XSKK), oo kaashanaya Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha, ayaa si rasmi ah dib ugu soo celiyay Qabashada Tartanka Kubadda Koleyga ee General Daaโ€™uud, kadib laba sano oo uusan qabsoomin tartankan oo sanad walba la qaban jiray.

Tartanka waxaa Garoonka Wiish Stadium si rasmi ah uga furay Wasiirka Dhallinyarada iyo Ciyaaraha, Mudane Maxamed Cabdulqaadir Cali, iyadoo ay ka qeyb galeen masuuliyiin heer qaran, madaxda SNOC iyo XSKK, halyeeyo isboorti iyo taageerayaal.

Tartanka waxaa ku loolamaya 8 kooxood, waxaana uu qeyb ka yahay dadaallada dib loogu soo nooleynayo laguna horumarinayo kubadda koleyga Soomaaliyeed. ๐Ÿ‡ธ๐Ÿ‡ด๐Ÿ€


๐Ÿ€ GENERAL DAAโ€™UUD BASKETBALL TOURNAMENT 2026 โ€“ FURITAANKAWaxaa galabta si rasmi ah uga furmaya Wiish Stadium Tartanka Ge...
10/08/2026

๐Ÿ€ GENERAL DAAโ€™UUD BASKETBALL TOURNAMENT 2026 โ€“ FURITAANKA

Waxaa galabta si rasmi ah uga furmaya Wiish Stadium Tartanka General Daaโ€™uud Basketball Tournament 2026.

๐Ÿ”ฅ Kulanka Furitaanka:
Heegan S.C ๐Ÿ†š Horseed S.C
๐Ÿ•ž 3:30 PM
๐Ÿ“ Wiish Stadium โ€“ Muqdisho

Taageerayaasha kubadda koleyga Soomaaliyeed, garoonka hala isku arko! ๐Ÿ€๐Ÿ‡ธ๐Ÿ‡ด

Address

Corso Somalia Road, Shangani District
Mogadishu

Opening Hours

Monday 08:00 - 16:00
Tuesday 08:00 - 16:00
Wednesday 08:00 - 16:00
Thursday 08:00 - 16:00
Saturday 08:00 - 16:00
Sunday 08:00 - 16:00

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Somali National Olympic Committee posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Shortcuts

Share

Category