12/08/2026
Alxamdulillaah! 🤲🏽❤️
Maanta waxaan soo gabagabeynay xilli-ciyaareedkii Horyaalka Dalka Soomaaliya – Somali National League, waxaana kusoo xirannay GUUL. 🏆⚽💪🏽
Run ahaantii, uma aanan qalmin inaan halkaas ku dhameysanno, balse wax walba waxay ku dhacaan Qadarka Alle. waana dadaalnay, waan soo halgameynay, laakiin qadarta Rabbigeenna ayaa ka sarreysa wax walba. 🤲🏽
Waxaan si gaar ah ugu mahadcelinayaa Maamulka Jeenyo FC, oo uu ugu horreeyo Guddoomiye Maxamed Cabdullaahi Xaaji, iyo dhammaan ciyaartoyda, macallimiinta iyo bahda naadiga oo habeen iyo maalin u taagnaa sidii aan mar walba usoo laaban lahayn, una sii wadi lahayn halganka naadiga. ❤️💙
Dadaalkiinna iyo garab istaaggiinna ma illoobi doonno. 🙏🏽
Insha’Allah, waxaan rajeynaynaa inaan xilli-ciyaareedka soo socda kusoo laabanno si ka xoog badan, kana shaqeyno inaan Jeenyo gaarsiino halka ay mudan tahay. 💪🏽⚽🏆
Mahadsanidiin dhammaantiin. ❤️💙