08/08/2026
Dadir Amin: “Waxaan u imid Marka Shaqo Qaran, Fursadna Waxaan siinayaa Ciyaartoyda Degmada"
Macallin Amin ayaa ka hadlay taariikh nololeedkiisa iyo xiriirka qotada dheer ee uu la leeyahay Marka, gaar ahaan kaalintii uu kaga jiray horumarinta ciyaaraha iyo kubadda cagta magaalada. Macallinku wuxuu sheegay in uu magaalada Marka ka maqnaa muddo #16 sano ah, balse maanta uu dib ugu soo laabtay isagoo xambaarsan dareen waddaniyadeed iyo rabitaan ah inuu wax u qabto bulshada uu ka soo jeedo.
Macallin Dadir Amin wuxuu mahadcelin iyo bogaadin u jeediyey Degmada Marka iyo 14-ka Oktoobar, isagoo uga mahadceliyey soo dhoweynta iyo taageerada ay u muujiyeen.
Wuxuu sidoo kale caddeeyey in ujeeddada uu Marka u yimid aysan ahayn dano gaar ah, balse ay tahay shaqo qaran iyo adeeg uu bulshada u qabanayo, gaar ahaan sidii fursado loo siin lahaa ciyaartoyda da’da yar ee degmada, loona dhiirrigelin lahaa inay muujiyaan kartidooda iyo hibadooda kubadda cagta.
Macallinku wuxuu si cad uga fogaaday -qabqabsiga iyo khilaafaadka ka dhex jira labada dhinac ee sheegta xiriirka kubadda cagta, isagoo carrabka ku adkeeyey in ujeeddadiisu tahay horumarinta ciyaaraha, mideynta bulshada iyo in ciyaartoyda degmada Marka la siiyo fursad ay ku gaaraan heer wanaagsan.
Dhanka kale, Viola iyo Guddigiisa waxay si diirran ugu soo dhaweeyeen Macallin Dadir Amin magaalada Marka, iyagoo xusay in Marka ay tahay magaalada uu kubadda cagta ka soo bilaabay, isla markaana ay ku faraxsan yihiin inuu dib ugu soo laabtay magaalada uu asal ahaan ku soo barbaaray ciyaaraha.
“Ku soo dhowow magaaladaada Marka; waa magaalada aad kubadda cagta ka bilowday.”
Soo laabashada Macallin Dadir Amin waxay noqon kartaa fursad muhiim ah oo lagu xoojin karo horumarinta ciyaaraha, gaar ahaan kobcinta kartida iyo mustaqbalka ciyaartoyda da’da yar ee Degmada Marka fans