25/06/2026
๐ฆ๐ข๐ ๐๐๐๐ ๐๐ข๐ข๐ง๐๐๐๐ ๐๐๐๐๐ฅ๐๐ง๐๐ข๐ก (๐ฆ๐๐) โ ๐๐ป๐ป๐๐ฎ๐น ๐๐ฒ๐ป๐ฒ๐ฟ๐ฎ๐น ๐๐๐๐ฒ๐บ๐ฏ๐น๐ ๐ฎ๐ฌ๐ฎ๐ฒ
Mogadishu; 25 Juun 2026, Ururka Kubadda Cagta Hirshabelle ayaa ka qeyb galay Shirka Guud ee Sanadlaha ah (Annual General Assembly) ee Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliyeed (SFF), oo lagu qabtay magaalada Muqdisho. Shirka ayaa isugu yimid hoggaanka SFF, ururrada kubadda cagta ee Dowlad-goboleedyada, naadiyada xubnaha ka ah SFF iyo daneeyeyaasha kale ee kubadda cagta Soomaaliyeed, si looga wada hadlo horumarinta ciyaaraha, maamulka, maaliyadda iyo jihada mustaqbalka ee kubadda cagta dalka.
Wafdiga Ururka Kubadda Cagta Hirshabelle waxaa hoggaaminayay Guddoomiyaha Ururka, Mudane Yusuf Hamud Jarras, waxaana qayb ka ahaa Guddoomiye Ku-xigeenka 2-aad, Mudane Yusuf Abdi Sabriye (Yufow), iyo Xoghayaha Guud, Mudane Mohamed Abdi Sedow. Wafdigu wuxuu si firfircoon uga qeyb qaatay doodaha, go'aan qaadashada iyo arrimaha muhiimka ah ee ajandaha shirweynaha.
Intii uu shirku socday waxaa diiradda lagu saaray dib u eegista waxqabadkii sanadkii la soo dhaafay, warbixinnada maamulka iyo maaliyadda, horumarinta maamulka kubadda cagta, xoojinta hannaanka hufnaanta iyo isla xisaabtanka, kobcinta tartamada gudaha, horumarinta garsoorka iyo tababarrada farsamo, iyo qorshayaasha istaraatiijiga ah ee lagu horumarinayo kubadda cagta Soomaaliya.
Shirku wuxuu ku soo dhammaaday ansixinta warbixinnadii iyo qodobadii miiska saarnaa, iyadoo la isku raacay in la sii xoojiyo wada shaqeynta u dhexeysa Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliya iyo ururrada xubnaha ka ah, si loo dardargeliyo horumarka kubadda cagta dalka loona abuuro fursado ballaaran oo ay ka faa'iideystaan ciyaartoyda, macallimiinta, garsoorayaasha iyo dhammaan daneeyayaasha kubadda cagta.
Ka qeybgalka shirkan wuxuu muujinayaa sida Ururka Kubadda Cagta Hirshabelle uga go'an yahay horumarinta kubadda cagta, xoojinta maamulka hufan, kobcinta ciyaartoyda da'da yar iyo adkeynta wada-shaqeynta kala dhexeysa Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliyeed iyo dhammaan bahda kubadda cagta dalka. Ururku wuxuu mar walba u taagan yahay inuu door muuqda ka qaato dhismaha mustaqbal ifaya oo ay yeelato kubadda cagta Soomaaliyeed.