24/04/2026
📝SAXIIXII UGU WEYNAA SUUQA KALA IIBSIGA – OMAR ADAN ALI (AKUUKE)
Kooxda Al Ahli Football Club waxay si rasmi ah u xaqiijisay saxiixa ciyaaryahanka qadka dhexe ee caanka ah Omar Adan Ali (Akuke) oo ka yimid kooxda Sh.Asharow FC, taasoo si weyn u gilgishey suuqa kala iibsiga xilli ciyaareedkaan.
Akuke waa ciyaaryahan lagu xasuusto hufnaan, hogaamin, iyo farsamo ciyaareedkii heerka sare ahaa. Waa magac ay si mideysan u qireen dhammaan taageerayaasha kubadda cagta ee degmada – mucaarad iyo muxaafidba. Waxa uu soo mataley kooxo badan guulo la taaban karana la soo gaaray, wuxuuna noqday mid dhalinyarada ay ku daydaan.
Farsamadiisa pasaska, xasilloonidiisa garoonka, iyo saameynta uu ciyaarta ku leeyahay ayaa ka dhigtey mid ka duwan ciyaartooyda kale. Dad badan waxay u arkaan ciyaaryahankii ugu fiicnaa ee Baydhopo abid soo mara, wuxuuna hadda noqonayaa halbowlaha cusub ee Al Ahli FC.
--------
🧠 Maskaxda Dhexe ee Ciyaarta:
Akuke waxaa uu leeyahay karti aan la barbardhigi karin oo uu ciyaarta u maamulo. Waa ciyaaryahan leh akhris ciyaareed sare, taasoo u suurtagelisa inuu si fudud u jebiyo nidaamka difaacyada ka soo horjeeda. Waxaa uuna yahay mid hub u ah weerarka iyo mid gaashaan u ah daafaca.
🎯 Baasaska Dahabiga ah & Aragtida Ciyaareed ee Sare:
Farsamadiisa ciyaareed, baasaska tooska ah iyo kuwa dhexda ah ee si fiican loo cabbiray ayaa Akuke ka dhigtey ciyaaryahan caan ah. Mar kasta oo uu garoonka joogo, ciyaarta waxaa la dareemaa in lagu kalsoonaan karo oo loo hogaansamo.
🌟 Qof Ay Dhalinyaradu Ku Daydaan:
Dhalinyarada xiiseysa kubadda cagta waxa ay Akuke u arkaan halyeyga dhabta ah ee ay ku daydaan. Dhaqankiisa wanaagsan, kalsoonida uu garoonka ku muujiyo iyo dadaalkiisa aan kala go’a lahayn ayaa sabab u noqday in lagu tilmaamo:
“Ciyaaryahankii ugu fiicnaa ee abid Baydhopo mara.”
🔁 Isbedel & Awood Cusub oo Al Ahli FC soo gashey:
imaatanka Akuke ee kooxda Al Ahli FC waa tilmaan cad oo muujineysa in kooxda ay wajaheyso isbeddel weyn oo dhanka tayada ah. Ma ahan oo kaliya ciyaaryahan, balse waa hogaamiye, dhiirrigeliye iyo xubin maskaxeed oo koox walba u noqon karta xudunta horumarkeeda.
Saxiixa Omar "Akuke" waa guul weyn oo ay kooxda Al Ahli FC ay heshay xilli-ciyaareedkaan - ma ahan kaliya xilli ciyaareedkan balse taariikh ahaanba. Waa ciyaaryahan aysan sahal ku helin kooxuhu, waxaana markhaati u ah sida loogu kala daba dhacay helitaankiisa.
Always Cadcadka🤍🔥