Xidhiidhka Feedhka Somaliland

Xidhiidhka Feedhka Somaliland Ku soo dhawoow Xidhiidhka Feedhka Somaliland ( XFSL). πŸ₯Š

Gudoomiyaha Xidhiidhka Feedhka Somaliland Muddane, Cabdirisaaq Faysal Ciise  Ayaa si rasmi ah u soo xidhay tartanki Miis...
05/08/2025

Gudoomiyaha Xidhiidhka Feedhka Somaliland Muddane, Cabdirisaaq Faysal Ciise Ayaa si rasmi ah u soo xidhay tartanki Miisaanka Dhexe ee Degmooyinka caasimada Hargeisa oo finalki ay is kugu yimaadeen Degmada Ibraahim Koodbuur iyo Degmada 26 June, waxaana guushi halkaas ku raacdey Degmada Ibraahim Koodbuur.

Gudoomiyaha Abdirisaaq oo halkaas ku gudoonsiiyay abaalmarinti Suunka Tartanka (Boxing Belt) Feedhyahanki ku guulaystay ee ka socday Degmada ibraahim Koodbuur Muddane Naasir Kayze.

14/07/2025

Kulankii furitaanka Xidhiidhka Feedhka Somaliland. πŸ₯Š

Qeybta 1aad ee sawirada furitaanka Tartanka Xidhiidhka Feedhka Somaliland ee degmooyinka Hargeisa. Hargeysa, 14ka july 2...
14/07/2025

Qeybta 1aad ee sawirada furitaanka Tartanka Xidhiidhka Feedhka Somaliland ee degmooyinka Hargeisa.

Hargeysa, 14ka july 2025

14/07/2025

R A S M I

Waxa uu Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha JSL Muddane Axmed Yassin Maxamed Faarax si rasmi ah u furay tartanka Xidhiidhka Feedhka Somaliland ee miisaanka dhexe ee degmooyinka Hargeisa' waxaana uu tartan kani ka qabsoomay magaalada Hargeisa gaar ahaan xarunta Qantara Charity Organization.

Waxa tartan furitaanka kala so qeyb galay Gudoomiyaha XFSL muddane Abdirezak Faisal Essa oo ka warbixiyay Tartanka iyo muddada uu soconayo.

Xafiiska Warbaahinata XFSL.

Natiijada Tartanka Feedhka:  Xasan Saleeban oo ka socday Degmada 26 Junne Da'diisuna tahay 20 jir ah ayaa ka badiyey Xam...
14/07/2025

Natiijada Tartanka Feedhka: Xasan Saleeban oo ka socday Degmada 26 Junne Da'diisuna tahay 20 jir ah ayaa ka badiyey Xamse Cumar oo ka socday Degmada Gacamo Dheere Da'diisuna tahay 25 jir.

08/07/2025

Xoghayeha Guud ee Xidhiidhka Feedhka Somaliland, Siham Abdisalam Hassan ayaa shaacisey tartanka miisaanka Dhexe (70kg-77kg) oo ka bilaabmi doona xarunta Qantara Organisation maalinta Axada ee taariikhdu tahay 13/July/2025.

Xafiiska Warbaahinta XFSL.

Sawiradi Xaflada Furitaanka Tobabarka.
13/06/2025

Sawiradi Xaflada Furitaanka Tobabarka.

13/06/2025

Xaflada furitaanka tobabarka Feedhka waxa si rasmi ah ufuray Agaasimaha Waaxda Qorsheynta ahna Kusimaha Wasiirka Wasaarada Dhalinyarada & Ciyaaraha JSL Mudane Khadar Xaaji yuusuf, sido kale waxa ku wehelinayey Gudoomiyaha Xarunta Qantara Charity Organisation Muddane Cumar Qoobnaaje iyo Gudoomiyaha Xidhiidhka Feedhka JSL Muddane Cabdirisaaq Faysal Ciise.

Tobabarka Feedhka oo noqon doona saddex waji waxa hada furmay wajigiisa 1aad soconayo Muddo 3 Bilood ah, waxaana uu ka koobnaan Doona Tobabar Gacanta laga samaynayo (Practical) iyo mid lagu dhiganayo goobta tobabarka (Theory).

OGAYSIIS: TOBABARKA FEEDHKAXidhiidhka Feedhka Somaliland waxa uu si xushmad leh ugu dhawaaqayaa tababar gaar ah oo loogu...
11/06/2025

OGAYSIIS: TOBABARKA FEEDHKA

Xidhiidhka Feedhka Somaliland waxa uu si xushmad leh ugu dhawaaqayaa tababar gaar ah oo loogu talogalay dhalinyarada xiisaynaysa ciyaarta feedhka, wiilal iyo gabdho labadaba.

Ujeeddada Tobabbarka:
In la siiyo dhalinyarada fursad ay ku bartaan xirfadaha aasaasiga ah ee ciyaarta feedhka, kor loogu qaado kartidooda jidheed iyo maskaxeed, iyo dhiirrigelinta ka qaybqaadashada ciyaaraha isboortiga ee Somaliland.

Faahfaahinta Tobabbarka:
πŸ“ Goobta: Qantara Charity Organisaton
πŸ“… Taariikhda bilaabashada: 12-June-2025
πŸ•’ Waqtiga: 4:00 Casarnimo
🎯 Da'da loo oggol yahay: 19– 30 sano
πŸ§₯ Labiska: Dharka isboortiga Feedhka oo xarunta yaalla.

Faa’iidooyinka Ka Qaybgalka:

1. Tababbarka oo bilaash ah

2. Tababbarayaal aqoon sare leh

3. Qalab feedh oo la heli karo

4. Shahaado la siin doono dhammaan ka qaybgalayaasha dhammaysta tobabbarka

Sida Loo Isdiiwaangeliyo:
Fadlan la xidhiidh xarunta Xidhiidhka Feedhka Somaliland ama wac lambarka: 4224965.

Tobabbarkani waxa uu furan yahay dhammaan dhalinyarada leh rajo iyo rabitaan inay horumariyaan xirfadooda feedhka.

Ka faa’iidayso fursaddan dahabiga ah!

Xafladii Xadhig ka jarka Xarunta Qantara Charity Organization oo uu Maanta furay Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada iyo C...
23/04/2025

Xafladii Xadhig ka jarka Xarunta Qantara Charity Organization oo uu Maanta furay Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha JSL Muddane Ahmed Yaciin aad iyo aad ayaan uga mahad celinaya in dalka laguso kordhiyo Xarun lagu baran doono feedhka isla markaana lagu qaban doono Tartamada kala duwan ee Feedhka. Waxaan sido kale aad ugu mahad celinaya 𝐌𝐬𝐬 𝐊𝐚𝐫𝐞π₯𝐒𝐧𝐚 oo ah Maamulka ugu sareeya Xarunta π‡πžπšπ 𝐨𝐟 Q𝐚𝐧𝐭𝐚𝐫𝐚.

18/08/2024

Tartanka feedhka ee miisaanka fudud FINAL

18/08/2024

Agaasiemaha Waaxda Ciyaaaraha "Maxamuud Qodax".

Address

Hargeisa
Hargeisa

Telephone

+252634248959

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Xidhiidhka Feedhka Somaliland posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Share

Category