16/12/2020
TALO SOOJEEDIN CAAFIMAAD
Si loo ilaaloyo badqabka cafimaad ee qof welba oo ka qayb qaadanaya barnaamijka lug iyo laydh, waxaan soo jeedinaynaa qodobadan hoos ku xusan:-
1. In qof welba oo ka qayb qaadanaya barnaamijka uu shaybaadh cafimaad sameeyo.( Voluntary)
2. Dadka qaba xanuunada la nool qofka sida macaanka iyo wadne xanuunka in uu la socda xaliidasa cafimaad, waayo mararka qaar waxa dhici karta dadka macaanka qaba in ay hoos u dhacdo sonkorta jidhka (hypoglycemic state),taas oo qofka gelin karta xaalad degdeg ah, sidaas awgeed wa in uu qofku sitaa marka ugu yartahay wax sonkortiisa kor u qaadi kara sida nacnac ama sharaab.
3. Waa in qof welba xidhaa wax ka celin kara qoraxda sida Koofiyad, rag iyo dumarba, madaama oo falaaraha qoraxdu ay cafimaad daro keeni karto.
4.. Qof welba waa in uu iska ilaaliyo in uu laamiga dhex lugeeyo, si aanay u iman shil ama waxyeelo uga soo gaadhin gawaadhida wadada maraysa, sidaas awgeed waa in uu qofku masaafad ka fogadaa laamiga.
5. In qof welba sitaa biyo ku filan, madaama qofka lugaynaya loo baahanyahay tobankii daqiiqo in uu biyo cabo. (stay hydrated).
MAHADSANIDIIN
Waaxda Caafimaadka Lug iyo Laydh