Geeska Press

Geeska Press Geeska Press – kala soco warar la hubo, dhacdooyin caalami ah, iyo wararkii ugu dambeeyey ee cayaaraha gudaha & dibadda.

Ku xirnow Geeska Press si aad ula socoto dhacdooyinka dunida iyo tartamada ciyaaraha.

Safarkii madaxweyne Saciid Deni ee Gaalkacyo, wuxuu daaha ka qaaday tayo xumada shakhsiyaadka xukuumaddiisa ku matala go...
01/09/2026

Safarkii madaxweyne Saciid Deni ee Gaalkacyo, wuxuu daaha ka qaaday tayo xumada shakhsiyaadka xukuumaddiisa ku matala gobolka Mudug, sida illo xog’ogaal ah ay noo xaqiijiyeen madaxweyne Deni ayaa marka uu kusoo laabto Garoowe wuxuu galka kala bixi doona seeftiisa isagoo marka ugu horaysa ay la tagi doonto wasiir beeraha Puntland Cumar Cabdisamed Dhuux.

Saciid Deni ayaa Mudug kala laabtay liis gaduudan isagoo fahmay in aysan wax qiimo ah ugu fadhin joogistooda xafiisyada, arrintaan ayaa soo baxday kadib dagaalkii PSF Gaalkacyo oo saraakiil iyo dad kale oo u dhow dowladda ay ku heleen magac iyo maqaam Saciid Dani, waxaana loo badinayaa in dacwada xubnahaas ay ka timid dhinacaas.

Haweenka G.Mudug oo  magacaabay Golaha Horumarinta Haweenka G.Mudug.Kaas oo ka shaqayn doona hawlaha Horumarineed ee haw...
31/08/2026

Haweenka G.Mudug oo magacaabay Golaha Horumarinta Haweenka G.Mudug.

Kaas oo ka shaqayn doona hawlaha Horumarineed ee haweenka sida Waxbarashada, Caafimaadka , matalaada siyaasada iyo Horumarinta dhaqaale ee haweenka mudug .

15/07/2026

Waxay soo booqdeen oo cunto u keeneen qof ku xiran saldhigga Gaalkacyo, waxaase loogu jawaabay jirdil iyo garaacis illaa la dhigay isbitaalka Gaalkacyo.

Waa odayaal u dhashay beesha Ogaadeen!

Deg deg. Xarunta dowladda hoose Gaalkacyo ayaa saaka albaabada loo xiray kadib markii  duqa iyo xoghayaha  ay ka hor ist...
13/07/2026

Deg deg. Xarunta dowladda hoose Gaalkacyo ayaa saaka albaabada loo xiray kadib markii duqa iyo xoghayaha ay ka hor istaageen ciidan ka cabanaya xaquuq la'aan, sidoo kale shaqaalaha xarunta ayaa gabi ahaanba joojiyay shaqada iyadoo saaka ay haawanayso xafiisyada lana joojiyaya adeegyadii muhiimka aha ee loo soo doonan jiray xarunta.

Ciidamo ka gadoodsan xuquuq la’aan ayaa goordhawayd xirtay wadada isku xirta Boosaaso iyo gobolada Puntland, gaar ahaan ...
12/07/2026

Ciidamo ka gadoodsan xuquuq la’aan ayaa goordhawayd xirtay wadada isku xirta Boosaaso iyo gobolada Puntland, gaar ahaan deegaanka Faluuja iyagoo joojiyay isu socodka dadka iyo gaadiidka.

Ciidankaan ayaa sheegay inay kasoo degeen Calmiskaad iyo furimaha h**e ka dib markii ay waayeen xuquuqdoodii dawladeed. shacabka oo warbaahinta lasoo xiriiray ayaa sheegay in wadadaas ku xaniban yihiin.

Hoggaanka Puntland ayaa ku guuldaraystay inuu bixiyo xuquuqda mushaharka shaqaalaha iyo ciidamada Puntland sadexdii sano ee lasoo dhaafay. iyadoo dhanka kale dawladu ay wado cashuuro dheeraad ah, xili cashuurtii h**e waxa lagu bixiyo aysan bulshada u cadayn.

Xafiiska Maaliyadda Puntland ee gobalka Mudug waxa si firfircoon loo arkaa marka wafdi Dowladda ka socda ay soo gaaraan ...
11/07/2026

Xafiiska Maaliyadda Puntland ee gobalka Mudug waxa si firfircoon loo arkaa marka wafdi Dowladda ka socda ay soo gaaraan Gaalkacyo. Shalay xafiiska ayaa agaasimay kulan qado sharaf ahaa, kaas oo ay ka qayb galeen dad kor u dhaafaya 250 qof, halka maanta uu qabtay kulan ku saabsan kor u qaadista dakhliga gobalka.

Badanaa madaxda gobalka Mudug iyo degmooyinka Gobalka ayaa la arkaa marka wafdi ka socda Dowladda ay soo gaaraan gobalka, iyagoo si aan h**e looga baran ugu tartama soo dhaweyntooda iyo u samaynta qado sharafeed. Dadka ayaa is weydiiya sababta aan madaxda xafiisyadda loo arag xilliyada kale iyaga oo ka qayb qaadanaya horumarka, nabadda iyo wacyigelinta bulshada.

Xusuusin: Gaalkacyo meelo badan oo ka mid ah waxa wali fadhiya biyaha roobka, goobahaas oo ay ka mid yihiin wajahada Madaxtooyadda, dhismaha howlaha guud, bangiga iyo waddada loo maro xafiiska maaliyadda, iyadoo ay caqabad kala kulmayaan gaadiidka iyo dadweynaha adeegsanaya.

Laba maleeshiyo beeleed ayaa isku rasaaseeyay bartamaha magaalada Gaalkacyo, gaar ahaan suuqa mashquulka badan ee Xerada...
11/07/2026

Laba maleeshiyo beeleed ayaa isku rasaaseeyay bartamaha magaalada Gaalkacyo, gaar ahaan suuqa mashquulka badan ee Xerada Dayax, iyagoo khal khal ku abuuray ganacsatada.

Maamulka gobalka Mudug ayaa maalin ka hor soo saaray amar lagu mamnuucayo hubka lagu dhex wato magaalada, iyagoo sheegay in tallaabo sharci ah laga qaadayo ciddii lagu qabto.

Ganacsatada magaalada Bosaso ayaa saaka shaqo joojin sameeyay, iyadoo dhammaan goobaha ganacsiga ay xiran yihiin.Ganacsa...
11/07/2026

Ganacsatada magaalada Bosaso ayaa saaka shaqo joojin sameeyay, iyadoo dhammaan goobaha ganacsiga ay xiran yihiin.

Ganacsatadu waxay ka cabanayaan dekadda Bosaso oo laga horjoogsaday inay wax kala dagaan, kadib markii ay diideen inay bixiyaan lacago cusub oo lagu soo rogay.

Dekadda Bosaso ayaa xiran maalintii 11-aad, waxaana doonyo badan oo ku xiran lahaa halkaas ay u wareegeen dekadaha Berbera iyo Muqdisho.

Ilaa iyo hadda, xukumadda Puntland k**a hadlin dekadda xiran iyo lacagta cusub ee ay ganacsatadu diidan yihiin.

Gaalkacyo 48-dii saac ee lasoo dhaafay waxaa ka dhacay laba kiis oo dil ah, xalay waxaa lagu dilay xaafadda Garsoor wiil...
10/07/2026

Gaalkacyo 48-dii saac ee lasoo dhaafay waxaa ka dhacay laba kiis oo dil ah, xalay waxaa lagu dilay xaafadda Garsoor wiil yar halka caawa lagu dhaawacay wiil kale lagana dhacay baabuur uu watay, dhammaan shilalkaas ayaa kusoo beegmaya imaashaha ciidan afka duuban oo dhawaan warbaahinta lagu arkay iyagoo b**b ka samaynaya caasimada Garoowe.

Hadaba su'aasha ay dadku is weydiinayaan ayaa ah, maxaa isku soo beegay falalka amni darada ah iyo imaanshaha ciidankan?

Bashiir Suulley iyo Dr Majidho oo ka qayb galay bandhigga buugga Maayad! Barafasoorka  suudka xiran yaanan ka tagin waa ...
10/07/2026

Bashiir Suulley iyo Dr Majidho oo ka qayb galay bandhigga buugga Maayad!

Barafasoorka suudka xiran yaanan ka tagin waa Generaal Ayuub.

Address

Hantiwadaag
Garowe
252

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Geeska Press posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to Geeska Press:

Shortcuts

Share