22/11/2023
Xikmadihii imaamu Khazaali
Alle wuxuu shan barbardhigay shan kale
1: Cissiga Alle wuxuu garab dhigay daacadda, qofkii cissi raba daacadda ha ogaado.
2: Dulliga Alle wuxuu garab dhigay macaasida, qofkii macaasi sameeya dullinimo diyaar ha u noqdo.
3: Haybada Alle wuxuu garab dhigay Salaatu-laylka, qofkii haybad rabaa Salatu-laylka ha ogaado.
4: Xikmada Alle wuxuu garab dhigay calool madhnaan, qofkii xikmad raba ha ogaado gaajada.
5: Qanaacada waxaa la garab dhigay qaninimada, qofkii Alle qanaaco siiyo waa qani.