Danab Sports

Danab Sports Danab Sports waa qeyb kamid ah shabakadda Warbaahinta ee Danab Cable TV oo Arrimaha Bulshada ka shaqeysa.

07/09/2026

⚽ MUDUG ACADEMY
Mudug Academy waxay sameysay tababar diiradda lagu saaray “Dhiib & Dhaqaaq” (Pass & Move). 🔄⚽
🎯 Ujeeddada tababarka:
In ciyaaryahanku kubadda dhiibo kadibna dhaqaaqo.

In la abuuro fursado cusub oo baas ah.
In ciyaaryahanku uusan istaagin marka uu baas bixiyo.

In la horumariyo movement, support iyo decision-making.

In ciyaartoydu fahmaan muhiimadda ay leedahay in kubadda kadib la dhaqaaqo.

04/09/2026

Siciid Xasan Cabdi oo ah madaxa tartamada Xiriirka Kubadda Cagta Puntland ayaa ka hadlay muhiimadda uu Garoonka SYL Stadium u leeyahay ciyaartoyda iyo bulshada jecel ciyaaraha.

Waxa uu sheegay in garoonku uu door muhiim ah ka qaadanayo ilaalinta caafimaadka ciyaartoyda, isla markaana uu bulshada siinayo goob ay ku daawan karaan kuna taageeri karaan ciyaaraha ay jecel yihiin.

04/09/2026

Garoon casri ah oo la jaanqaadaya baahiyaha maanta, isla markaana ay taageerayaashu ku daawan karaan ciyaaraha dunida, ayaa laga hirgeliyay magaalada Garoowe.

Garoonka Kubadda Cagta ee SYL ayaa lagu sameeyay dib-u-habayn, iyadoo lagu soo kordhiyay adeegyo cusub, oo ay ka mid yihiin goob lagu daawado ciyaaraha caalamka iyo meherad laga heli karo adeegyo kala duwan oo cunto iyo cabitaanno ah.

Garoon casri ah oo la jaanqaadaya baahiyaha maanta, isla markaana ay taageerayaashu ku daawan karaan ciyaaraha dunida, a...
04/09/2026

Garoon casri ah oo la jaanqaadaya baahiyaha maanta, isla markaana ay taageerayaashu ku daawan karaan ciyaaraha dunida, ayaa laga hirgeliyay magaalada Garoowe.

Sawirro:Academyada Next Genaration oo soo gabagabeeyay Koob ay u qabteen dhalinyaro dhigata Academyada .
03/09/2026

Sawirro:Academyada Next Genaration oo soo gabagabeeyay Koob ay u qabteen dhalinyaro dhigata Academyada .

03/09/2026

Maxamed Siciid oo kamid ah waalidiinta carruurtoodu ku jirto Next Generation ayaa nooga waramay waxaa iska baddelay hab dhaqanka caruurta hadda iyo wakhtigii h**e ...

03/09/2026

Mulkiilaha Akaadeemiyadda Next Generation ,Yacquub Cismaan Maxamuud ayaa ka warbixiyay koobka loo qabtay da'yarta lixdii billood ee lasoo dhaafay ....

Rasmi : Kooxda Dowladda hoose ee Caasimadda Garoowe Garowe City Club Football  ayaa lasoo wareegtay Ciyaaryahano Cusub X...
25/08/2026

Rasmi : Kooxda Dowladda hoose ee Caasimadda Garoowe Garowe City Club Football ayaa lasoo wareegtay Ciyaaryahano Cusub Xili Ciyaareedka 2026/2027.

Ciyaaryahan Najiib Faarax Aadan ( Hazard ) ayaa ah ciyaaryahan ka ciyaara Weerarka Garabka Bidix.

Maxamed Sadiiq Xirsi ayaa loo magacaabay Madaxa waaxda Horumarinta Tababarka Garsoorka Kubadda Cagta Puntland.Magacaabis...
25/08/2026

Maxamed Sadiiq Xirsi ayaa loo magacaabay Madaxa waaxda Horumarinta Tababarka Garsoorka Kubadda Cagta Puntland.

Magacaabistan ayaa si rasmi ah uga soo baxday Xafiidka Gudoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta Puntland Cabdixakiin Xaynwade.

🔥 QIIMA DHIMIS BALAARAN OO KU EG BISHA AUGUST! 🔥Macaamiisha sharafta leh ee Danab Cable TV, ha moogaanina fursaddan caji...
23/08/2026

🔥 QIIMA DHIMIS BALAARAN OO KU EG BISHA AUGUST! 🔥

Macaamiisha sharafta leh ee Danab Cable TV, ha moogaanina fursaddan cajiibka ah! Ku raaxayso daawashada ciyaaraha caalamka iyo barnaamijyada aad jeceshahay adiga oo aan u baahnayn wax Internet ah.

Ka faa’iidayso qiimo dhimista weyn ee xirmada Receiver-ka inta bishan August ka dhiman:
• 1 Bil: Hada waa $6 (Qiimihii h**e: $8)
• 2 Bilood: Hada waa $13 (Qiimihii h**e: $16)
• 3 Bilood: Hada waa $17 (Qiimihii h**e: $24)

📞 Wixii faahfaahin ah ama dalabkaaga, nagala soo xiriir:
• ☎️ 5444111
• ☎️ 5444222
• ☎️ 4111112

Fursaddu waa inta bishan ka dhiman! 📺⚽✨

Address

Garoowe, Meeraysane Street
Garoowe
252

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Danab Sports posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Shortcuts

Share

Category