04/08/2026
Mahadnaq Ku Socda Taliyaha Guud ee Ciidanka Booliska Somaliland, Cabdiraxmaan Cabdillaahi Xasan (Cabdi Dheere)
Guul ha u hoyato Ciidanka Booliska Somaliland iyo Kooxda Police Goodir Ceerigaabo.
Waxaan si kal iyo laab ah u gudbinaynaa mahadnaq iyo bogaadin ku aaddan garab istaagga qiimaha badan ee aad u muujisay Kooxda Police Goodir Ceerigaabo. Taageeradaada iyo go'aankaaga wanaagsan waxay farxad, dhiirrigelin iyo niyad-dhis u noqdeen ciyaartoyda, maamulka, tababarayaasha iyo dhammaan taageerayaasha kooxda.
Waxaan si gaar ah kuugu mahadcelinaynaa hoggaamintaada hufan, daacadnimadaada iyo sida aad mar walba uga go'an tahay horumarinta Ciidanka Booliska Somaliland iyo dhiirrigelinta ciyaaraha. Tallaabada qiimaha leh ee aad qaaday waxay xoojisay rajada iyo kalsoonida kooxda, waxayna tusaale u tahay hoggaamiye mudnaan siiya danta ciidankiisa, horumarka bulshada iyo kobcinta dhallinyarada.
Waxaan Alle SWT kaaga baryaynaa inuu ku siiyo caafimaad taam ah, cimri dheer, xigmad, caddaalad iyo guulo isdaba joog ah, isla markaana kuugu garab galo gudashada waajibaadka culus ee aad u hayso qaranka iyo shacabka Somaliland.
Ugu dambayn, Taliyow, mahadsanid taageeradaada iyo garab istaaggaaga. Taageeradaadu weligeed lama illoobi doono, waxaana kuu rajaynaynaa sharaf, guul iyo barwaaqo joogto ah.
Ilaahay ha ku barakeeyo adiga iyo Ciidanka Booliska Somaliland. Aamiin.