07/08/2026
π¨ DIGIIN RASMI AH | XAFIISKA XIRIIRKA KUBADDA CAGTA DEGMADA DIINSOOR π¨
π
Taariikh: 07/08/2026
Xafiiska Xiriirka Kubadda Cagta Degmada Diinsoor wuxuu digniin adag u dirayaa dhammaan kooxaha iyo ciyaartoyda ka qeybgalaya Dooy League Division One 2026/2027.
β οΈ QODOBKA 1AAD β HESHIISKA CIYAARTOYDA
Ciyaaryahan kasta oo si rasmi ah loogu soo gudbiyey Xiriirka, isla markaana heshiis la galay koox, looma oggola inuu ka laabto heshiiskaas.
Haddii ciyaaryahanku uusan ku qanacsanayn kooxda uu la saxiixday, arrintaasi ma noqon karto sabab uu heshiiska uga baxo. Wuxuu dooran karaa inuu kooxda sii joogo ama uusan ciyaarin, balse heshiiska uu saxiixay dib loogama laaban karo ilaa uu dhammaado ama uu Xiriirku si rasmi ah u fasaxo.
β οΈ QODOBKA 2AAD β CIYAARTOOYDA KA IMAANAYA DEGMOOYINKA KALE
Koox kasta waxaa loo oggol yahay inay diiwaangeliso ugu badnaan 5 ciyaaryahan oo ka imaanaya degmooyin kale.
Lama oggolaan doono koox diiwaangelisa wax ka badan 5 ciyaaryahan oo ka yimid degmooyinka kale. Ciyaaryahan kasta oo dheeraad ah lama aqbali doono mana loo oggolaan doono inuu ka qeyb galo horyaalka.
β Xafiisku wuxuu ku wargelinayaa dhammaan kooxaha inay si buuxda u ixtiraamaan qodobadan. Koox kasta oo jebisa xeerarkan waxaa laga qaadi doonaa tallaabooyin waafaqsan xeerarka horyaalka.
β XAFIISKA XIRIIRKA KUBADDA CAGTA DEGMADA DIINSOOR