Moh jaam

Call Contact the business

Moh jaam Contact information, map and directions, contact form, opening hours, services, ratings, photos, videos and announcements from Moh jaam, Sports Event, Shiikh Bashiir, Burco.

Hadii Laacibka Benfica ee Prestianni lagu helo in uu cunsuriyad kula kacay Vinicus waxa ku dhici doonaa ganaax weyn isag...
21/02/2026

Hadii Laacibka Benfica ee Prestianni lagu helo in uu cunsuriyad kula kacay Vinicus waxa ku dhici doonaa ganaax weyn isaga iyo kooxdiisaba ha ugu h**eyso

- in dhibco laga jaro Benfica Horyaalka
- In la ganaaxayo prestianni 5-10 kulan
- in Benfica lagu ganaaxayo 10-15 million oo lacag ah

Mida ugu muhiimsan waa in Benfica laga saaro tartanka champions league xilli ciyaareedkan xitaa hadii ay kasoo gudbaan Real Madrid( Yacni Real Madrid waxay iska xaadirin doonaan wareega 16ka hadii Benfica la ganaaxo xitaa hadii Laga Guuleysto)

(O’Jogo)

𝐌𝐚𝐱𝐚𝐚𝐝 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐒𝐨𝐜𝐨𝐭𝐚𝐚 𝐒𝐢𝐝𝐚 𝐚𝐲 𝐮 𝐅𝐚𝐬𝐡𝐢𝐥𝐚𝐧𝐭𝐚𝐲 𝐃𝐚𝐜𝐚𝐚𝐲𝐚𝐝𝐝𝐢𝐢 𝐌𝐮𝐪𝐝𝐢𝐬𝐡𝐨 𝐢𝐲𝐨 𝐀𝐥𝐣𝐚𝐳𝐞𝐞𝐫𝐚 𝐞𝐞 𝐁𝐚𝐫𝐚𝐤𝐢𝐜𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐃𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐆𝐚𝐳𝐚 𝐚𝐲 𝐥𝐚 𝐗𝐢𝐝𝐡𝐢𝐢𝐝𝐡𝐚𝐧𝐚...
21/02/2026

𝐌𝐚𝐱𝐚𝐚𝐝 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐒𝐨𝐜𝐨𝐭𝐚𝐚 𝐒𝐢𝐝𝐚 𝐚𝐲 𝐮 𝐅𝐚𝐬𝐡𝐢𝐥𝐚𝐧𝐭𝐚𝐲 𝐃𝐚𝐜𝐚𝐚𝐲𝐚𝐝𝐝𝐢𝐢 𝐌𝐮𝐪𝐝𝐢𝐬𝐡𝐨 𝐢𝐲𝐨 𝐀𝐥𝐣𝐚𝐳𝐞𝐞𝐫𝐚 𝐞𝐞 𝐁𝐚𝐫𝐚𝐤𝐢𝐜𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐃𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐆𝐚𝐳𝐚 𝐚𝐲 𝐥𝐚 𝐗𝐢𝐝𝐡𝐢𝐢𝐝𝐡𝐚𝐧𝐚𝐲𝐞𝐞𝐧 𝐒𝐨𝐦𝐚𝐥𝐢𝐥𝐚𝐧𝐝?

Tan iyo maalintii lagu dhawaaqay 𝐀𝐪𝐨𝐨𝐧𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐨𝐦𝐚𝐥𝐢𝐥𝐚𝐧𝐝, madaxda Muqdisho iyo warbaahinta xulfada la ah, gaar ahaan 𝐀𝐥𝐣𝐚𝐳𝐞𝐞𝐫𝐚 waxa ay caado ka dhigteen in ay aqoonsiga Somaliland ku sifeeyaan mid shardi looga dhigay in dadka reer Gaza loo soo rarro Somaliland.

Inkasta oo xukuumadda Somaliland marar badan si cad u beenisay wararkaas, haddana waxa ay madaxda Muqdisho gaar ahaan 𝐌𝐚𝐝𝐚𝐱𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚, 𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐚𝐥-𝐰𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚, 𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐀𝐫𝐫𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐃𝐢𝐛𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐆𝐚𝐚𝐬𝐡𝐚𝐚𝐧𝐝𝐡𝐢𝐠𝐠𝐮 si joogto ah ugu celceliyeen in ay hayaan 𝐱𝐨𝐠 𝐫𝐚𝐬𝐦𝐢 𝐚𝐡 𝐨𝐨 𝐚𝐚𝐧 𝐬𝐡𝐚𝐤𝐢 𝐥𝐚𝐡𝐚𝐲𝐧 oo muujinaysa in Somaliland aqbashay in walaalaha Falastiin ee Gaza loo soo rarro gudaha Somaliland.

Hadaba, dacaayaddaa Somaliland lagu beegsanayey muddadii aqoonsigu jiray waxa soo afjaray 𝐬𝐡𝐢𝐫𝐤𝐢𝐢 𝐬𝐡𝐚𝐥𝐚𝐲 (𝟏𝟗 𝐅𝐞𝐛 𝟐𝟎𝟐𝟔) 𝐤𝐚 𝐝𝐡𝐚𝐜𝐚𝐲 𝐦𝐚𝐠𝐚𝐚𝐥𝐚𝐝𝐚 𝐖𝐚𝐬𝐡𝐢𝐧𝐠𝐭𝐨𝐧 𝐃𝐂, 𝐤𝐚𝐚𝐬 𝐨𝐨 𝐮𝐮 𝐪𝐚𝐛𝐬𝐚𝐝𝐚𝐲 𝐆𝐨𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐍𝐚𝐛𝐚𝐝𝐝𝐚 (𝐁𝐨𝐚𝐫𝐝 𝐨𝐟 𝐏𝐞𝐚𝐜𝐞). Ujeeddada shirkaasi waxay ahayd 𝐇𝐢𝐫𝐠𝐞𝐥𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐐𝐨𝐫𝐬𝐡𝐚𝐡𝐚 𝐍𝐚𝐛𝐚𝐝𝐚𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐗𝐚𝐬𝐢𝐥𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐆𝐚𝐳𝐚 ee uu dejiyey Madaxweynaha Maraykanka 𝐃𝐨𝐧𝐚𝐥𝐝 𝐓𝐫𝐮𝐦𝐩.

Waxa ka soo qayb galay shirkaa in ka badan 40 waddan oo ay ka mid yihiin 10 dal oo muslimiin ah: 𝐌𝐚𝐬𝐚𝐫, 𝐐𝐚𝐭𝐚𝐫, 𝐒𝐚𝐮𝐝𝐢 𝐀𝐫𝐚𝐛𝐢𝐚, 𝐔𝐀𝐄, 𝐌𝐨𝐫𝐨𝐜𝐜𝐨, 𝐊𝐮𝐰𝐚𝐢𝐭, 𝐁𝐚𝐡𝐫𝐚𝐢𝐧, 𝐊𝐚𝐳𝐚𝐤𝐡𝐬𝐭𝐚𝐧, 𝐀𝐳𝐞𝐫𝐛𝐚𝐢𝐣𝐚𝐧 𝐢𝐲𝐨 𝐔𝐳𝐛𝐞𝐤𝐢𝐬𝐭𝐚𝐧.

Shirka waxa ka soo baxay go’aamo dhowr ah oo ay ka mid yihiin:

𝟏. 𝐃𝐡𝐚𝐦𝐦𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐝𝐚𝐠𝐚𝐚𝐥𝐤𝐚 𝐆𝐚𝐳𝐚: Madaxweyne Trump waxaa uu kaga dhawaaqay kelmaddii uu ku furay shirka in dagaalkii Gaza dhammaaday.
𝟐. 𝐃𝐢𝐛-𝐮-𝐝𝐡𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐆𝐚𝐳𝐚: Shirku waxa uu ballan qaaday lacag dhan $17 bilyan ($10 bilyan oo Maraykanku bixiyey iyo $7 bilyanoo wadamadda muslimiintu bixiyeen) oo loogu talogalay in Marinka Gaza dib loogu dhiso, dadka ku noolna nolol loogu sameeyo.
𝟑. 𝐌𝐚𝐠𝐚𝐜𝐚𝐛𝐢𝐢𝐬𝐭𝐚 𝐆𝐮𝐝𝐝𝐢𝐠𝐚 𝐌𝐚𝐚𝐦𝐮𝐥𝐤𝐚 𝐑𝐚𝐲𝐢𝐝𝐤𝐚 𝐞𝐞 𝐆𝐚𝐳𝐚 (𝐍𝐚𝐭𝐢𝐨𝐧𝐚𝐥 𝐂𝐨𝐦𝐦𝐢𝐭𝐭𝐞𝐞 𝐟𝐨𝐫 𝐭𝐡𝐞 𝐀𝐝𝐦𝐢𝐧𝐢𝐬𝐭𝐫𝐚𝐭𝐢𝐨𝐧 𝐨𝐟 𝐆𝐚𝐳𝐚 (𝐍𝐂𝐀𝐆): oo ah maamul ku-meel-gaadh ah oo mas’uul ka noqon doona hawlaha maalinlaha ah ee maaraynta Gaza.
𝟒. 𝐂𝐢𝐢𝐝𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐗𝐚𝐬𝐢𝐥𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐞𝐞 𝐂𝐚𝐚𝐥𝐚𝐦𝐢𝐠𝐚 𝐚𝐡 (𝐈𝐧𝐭𝐞𝐫𝐧𝐚𝐭𝐢𝐨𝐧𝐚𝐥 𝐒𝐭𝐚𝐛𝐢𝐥𝐢𝐳𝐚𝐭𝐢𝐨𝐧 𝐅𝐨𝐫𝐜𝐞 𝐈𝐒𝐅): Waxa la dhisay ciidanka ISF oo tiradoodu gaadhayso ilaa 20,000 oo askari. Ciidamadaa oo u xilsaarnaan doona ilaalinta nabadda iyo xasiloonida Marinka Gaza. Wadamada ka qayb qaadanaya keenista ciidamadaa waxaa ka mid ah wadanada Islaamka ee 𝐈𝐧𝐝𝐨𝐧𝐞𝐬𝐢𝐚, 𝐌𝐨𝐫𝐨𝐜𝐜𝐨, 𝐊𝐚𝐳𝐚𝐤𝐡𝐬𝐭𝐚𝐧, 𝐊𝐨𝐬𝐨𝐯𝐨 𝐢𝐲𝐨 𝐀𝐥𝐛𝐚𝐧𝐢𝐚.

𝟓. 𝐓𝐚𝐛𝐚𝐛𝐚𝐫𝐤𝐚 𝐛𝐨𝐨𝐥𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐅𝐚𝐥𝐚𝐬𝐭𝐢𝐢𝐧: Waxa la qorsheeyey diyaarinta 12,000 askari oo boolis Falastiiniyiin ah, kuwaas oo ay tababari doonaan Masar iyo Urdun.

Wadamada muslimiinta ee ka qayb galay shirka waxa ay taageereen go’aamada soo baxay, waxa ayna ballanqaadeen in ay door muuqda ka qaadan doonaan hirgelintooda. Inkasta oo qaar ka mid ah ururrada Falastiiniyiinta aanay si buuxda u wada aqbalin, haddana waa hindise caalami ah oo ay beesha caalamku heshiis ku tahay fulintiisa.

Hawlaha nabadaynta ee uu wado 𝐆𝐨𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐍𝐚𝐛𝐚𝐝𝐝𝐚 (𝐁𝐨𝐚𝐫𝐝 𝐨𝐟 𝐏𝐞𝐚𝐜𝐞) 𝐞𝐞 𝐌𝐚𝐝𝐚𝐱𝐰𝐚𝐲𝐧𝐞 𝐓𝐫𝐮𝐦𝐩 𝐡𝐨𝐠𝐚𝐚𝐦𝐢𝐧𝐚𝐲𝐨 oo shirkiisii shalay (19 Feb 2026) dhacay bilow u yahay, 𝐰𝐚𝐱𝐚 𝐚𝐲 𝐬𝐢 𝐜𝐚𝐝 𝐮 𝐛𝐮𝐫𝐢𝐧𝐚𝐲𝐚𝐚𝐧, 𝐦𝐞𝐞𝐬𝐡𝐚𝐧𝐚 𝐮𝐠𝐚 𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚𝐚𝐧 𝐝𝐚𝐜𝐚𝐚𝐲𝐚𝐝𝐝𝐢𝐢 𝐢𝐲𝐨 𝐩𝐫𝐨𝐩𝐚𝐠𝐚𝐧𝐝𝐚-𝐝𝐢𝐢 𝐫𝐚𝐤𝐡𝐢𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐚𝐡𝐚𝐲𝐝 𝐞𝐞 𝐥𝐚 𝐝𝐨𝐨𝐧𝐚𝐲𝐞𝐲 𝐢𝐧 𝐒𝐨𝐦𝐚𝐥𝐢𝐥𝐚𝐧𝐝 𝐥𝐚𝐠𝐮 𝐬𝐮𝐦𝐜𝐚𝐝-𝐝𝐢𝐥𝐨. Iyada oo laga dhigayey xaqiiqo dhab ah beentaa iyo dacaayaddaas oo ay si weyn u faafisay warbaahinta Aljazeera, oo si qaawan dagaal warbaahineed ula gashay qaddiyadda Somaliland.

Sidoo kale, waxa iyana bannaanka usoo baxay in 𝐛𝐞𝐞𝐧𝐭𝐚 𝐜𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐗𝐚𝐬𝐚𝐧 𝐆𝐚𝐫𝐠𝐮𝐮𝐫𝐭𝐞 𝐢𝐲𝐨 𝐤𝐨𝐨𝐱𝐝𝐢𝐢𝐬𝐮 𝐬𝐢𝐝𝐚 𝐢𝐧𝐝𝐡𝐨-𝐥𝐚’𝐚𝐚𝐧𝐭𝐚 𝐚𝐡 𝐚𝐲 𝐮𝐠𝐮 𝐜𝐞𝐥𝐜𝐞𝐥𝐢𝐲𝐞𝐞𝐧 aanay sal iyo raad toona lahayn.

𝐒𝐨𝐦𝐚𝐥𝐢𝐥𝐚𝐧𝐝 𝐆𝐮𝐮𝐥 𝐢𝐲𝐨 𝐆𝐨𝐛𝐚𝐧𝐢𝐦𝐨.

Dr. Cabdiweli Suufi

"Midowgii Somaliland iyo Soomaaliya waligiis lama ansixin, wuuna fashilmay"Wasaaradda Arrimaha dibadda ee Isra!lWasaarad...
31/12/2025

"Midowgii Somaliland iyo Soomaaliya waligiis lama ansixin, wuuna fashilmay"Wasaaradda Arrimaha dibadda ee Isra!l

Wasaaradda Arrimaha Dibadda Isra!l ayaa baahisay qoraal muhiim ah oo dib u xasuusinaya caalamka mowqifkii rasmiga ahaa ee Midowga Afrika uu ka qaatay qadiyadda Somaliland.

Qoraalka wasaaradda ayaa lagu sheegay in qof kasta oo iloobay looga baahan yahay inuu eego waxa Midowga Afrika laftiisu uu ka go'aamiyay aqoonsiga Somaliland.

Wasaaraddu waxay tixraacday warbixintii ka dhalatay mishiinkii xaqiiqo-raadinta ee Midowga Afrika uu u diray Somaliland sannadkii 2005. Warbixintaas ayaa si cad u sheegtay in midowgii dhexmaray Somaliland iyo Soomaaliya sannadkii 1960-kii aan waligiis si rasmi ah loo sharciyeyn, sidoo kalena uu dhibaato iyo burbur ku dhammaaday intii u dhaxaysay 1960 ilaa 1990.

Arrimahaas awgood, Midowga Afrika wuxuu xilligaas qeexay in raadinta aqoonsi ee Somaliland ay tahay mid taariikh ahaan gaar ah oo aan la barbar-dhigi karin kiisaska kale ee qaaradda.

Dukumiintiga ay Isra!l soo xigatay wuxuu intaas ku daray in kiiska Somaliland aan loo arkin mid furaya albaabka burburka xuduudaha Afrika, balse ay tahay in loo eego qaab ka duwan kuwa kale. Midowga Afrika ayaa markaas soo jeediyay in xaaladda Somaliland looga hadlo qaab gaar ah oo ku salaysan taariikhda iyo masiirka dadka ku nool deegaankaas, maadaama ay tahay mid is-caddaynaysa.

Tallaabadan ay wasaaradda arrimaha dibadda ee Isra!l dib ugu soo xasuusisay adduunka warbixintan ayaa ku soo beegmaysa xilli uu sare u kacay doodaha ku saabsan aqoonsiga Somaliland iyo doorka ay Midowga Afrika ku leeyihiin xallinta arrintan.

Raysal Wasaaraha Dalka Israa'iil oo ku sugan Dalka Maraykanka ayaa waraysi gaar ah oo uu siiyay Warbaahinta News Max ee ...
31/12/2025

Raysal Wasaaraha Dalka Israa'iil oo ku sugan Dalka Maraykanka ayaa waraysi gaar ah oo uu siiyay Warbaahinta News Max ee dalkaasi waxa wax laga weydiiyay Aqoonsiga uu dalkiisu siiyay Somaliland.

Netanyahu ayaa sheegay Iney Somaliland ku noolyihiin 6 Milyan oo Muslimiin ah isla markaana ay qayb ka noqdeen heshiiska Abraham Acords, isagoo xusey iney Somaliland tahay dal Dumuqraadi ah oo Doorashooyin ka qabsoomeen halka Somaliya aanay sidaasi weligeed ka suurtogalin oo ay la daalaa dhacayso dagaalada ay kula jirto kooxaha Argagix*sada sida uu hadalkiisa u dhigey.
waar ninku war cadaaa.

𝗦𝗼𝗺𝗮𝗹𝗶𝗮 𝗟𝗮𝗯𝗮 𝗷𝗲𝗲𝗿𝗯𝗮 𝗴𝘂𝘂𝗹𝗱𝗮𝗿𝗼 𝗮𝘆𝗲𝘆 𝗸𝗮𝗹𝗮 𝗸𝘂𝗹𝗺𝗮𝘆𝘀𝗮𝗮 𝗳𝗮𝗱𝗵𝗶𝗴𝗮 𝗚𝗼𝗹𝗮𝗵𝗮 𝗤𝗮𝗿𝗮𝗺𝗮𝗱𝗱𝗮 𝗠𝗶𝗱𝗼𝗼𝗯𝗮𝘆.𝐺𝑒𝑦𝑛𝑡𝑎 𝑔𝑎𝑙𝑘𝑎 𝑆𝑜𝑚𝑎𝑙𝑖𝑙𝑎𝑛𝑑 𝑒𝑒 𝐺𝑜𝑙𝑎ℎ𝑎 𝐴𝑚𝑎...
29/12/2025

𝗦𝗼𝗺𝗮𝗹𝗶𝗮 𝗟𝗮𝗯𝗮 𝗷𝗲𝗲𝗿𝗯𝗮 𝗴𝘂𝘂𝗹𝗱𝗮𝗿𝗼 𝗮𝘆𝗲𝘆 𝗸𝗮𝗹𝗮 𝗸𝘂𝗹𝗺𝗮𝘆𝘀𝗮𝗮 𝗳𝗮𝗱𝗵𝗶𝗴𝗮 𝗚𝗼𝗹𝗮𝗵𝗮 𝗤𝗮𝗿𝗮𝗺𝗮𝗱𝗱𝗮 𝗠𝗶𝗱𝗼𝗼𝗯𝗮𝘆.

𝐺𝑒𝑦𝑛𝑡𝑎 𝑔𝑎𝑙𝑘𝑎 𝑆𝑜𝑚𝑎𝑙𝑖𝑙𝑎𝑛𝑑 𝑒𝑒 𝐺𝑜𝑙𝑎ℎ𝑎 𝐴𝑚𝑎𝑎𝑛𝑘𝑢 𝑚𝑎𝑎ℎ𝑎 𝑚𝑎𝑥𝑘𝑎𝑚𝑎𝑑𝑎𝑦𝑛𝑡𝑎 𝐼𝑠𝑟𝑎𝑎'𝑖𝑖𝑙, 𝑒𝑒 𝑤𝑎𝑎 𝑋𝑎𝑓𝑙𝑎𝑑𝑑𝑎 𝐷𝑎𝑎ℎ-𝑓𝑢𝑟𝑘𝑎 𝑒𝑒 𝑆𝑜𝑚𝑎𝑙𝑖𝑙𝑎𝑛𝑑 𝑜𝑜 𝑙𝑜𝑜 𝑠𝑜𝑜 𝑏𝑎𝑛𝑑ℎ𝑖𝑔𝑎𝑦𝑜 𝑠ℎ𝑎𝑛𝑡𝑎 𝑞𝑢𝑤𝑎𝑑𝑜𝑜𝑑 𝑒𝑒 𝑎𝑑𝑑𝑢𝑢𝑛𝑘𝑎 𝑢𝑔𝑢 𝑤𝑎𝑎𝑤𝑒𝑦𝑛 𝑖𝑛𝑎𝑦 𝑡𝑎ℎ𝑎𝑦 𝑥𝑎𝑞𝑖𝑖𝑞𝑜 𝑗𝑖𝑟𝑡𝑎 𝑜𝑜 𝑢 𝑏𝑎𝑎ℎ𝑎𝑛 𝑖𝑛 𝑙𝑎𝑙𝑎 𝑚𝑎𝑐𝑎𝑎𝑚𝑖𝑙𝑜

Dawladda Federaalka Soomaaliya, iyada oo ka faa’iidaysanaysa kursiga ay xilligan ku fadhido ee Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay, ayey gudbisay cabasho ka dhan ah aqoonsiga rasmiga ah ee Israa’iil siisay Jamhuuriyadda Somaliland.

Tallaabadan oo ay Muqdisho u aragto inay tahay difaaca madax-bannaanideeda, ayaa dhanka kale khubarada dublamaasiyadda u arkaan inay tahay "Seef laba af leh" oo khatar ku ah qaddiyadda Soomaaliya lafteeda.

Marka arrin "maxalli ah" la geeyo miiska ugu sarreeya adduunka, waxay si dadban u siinaysaa Somaliland maqaam dawladnimo, maadaama Golaha Amaanku uu caadiyan ka doodo khilaafaadka u dhexeeya dawladaha (State-to-State conflicts).

Falanqayntan waxaynu si qoto dheer ugu eegaynaa xubnaha golaha, codadka la filan karo, iyo guusha dahsoon ee Somaliland ugu jirta fadhigan.

Si aynu u fahmo natiijada suurtagalka ah, waa inaan marka h**e kala dhigdhignaa 15-ka dal ee hadda (2025) ka taliya Golaha Amaanka. Xubnahan waxay u kala baxaan shanta joogtada ah (P5) oo leh awoodda Veto-ga iyo tobanka aan joogtada ahayn (E10).

Shanta xubnood ee joogtada ah waa Maraykanka, Ingiriiska, Faransiiska, Ruushka, iyo Shiinaha. Tobanka xubnood ee aan joogtada ahayn ee sannadkan kuraasta ku fadhiya waa Algeria, Guyana, Jamhuuriyadda Kuuriya (South Korea), Sierra Leone, Slovenia, Denmark, Greece, Pakistan, Panama, iyo Soomaaliya lafteeda.

Marka la eego danaha is-diidan ee dalalkan, codbixintu ma

17/10/2025
🚨⚪️ Real Madrid ayaa waddo qorshayaal ku aadan isbeddel dhanka milkiilaha ah.Markii ugu h**eysay taariikhda, kooxdu waxa...
17/10/2025

🚨⚪️ Real Madrid ayaa waddo qorshayaal ku aadan isbeddel dhanka milkiilaha ah.

Markii ugu h**eysay taariikhda, kooxdu waxay tixgelinaysaa inay iibiso maalgashadayaasha dibada. Florentino Pérez ayaa aaminsan in furitaanka kooxda ee maalgashadayaasha dibadda ay ka caawin doonto kooxda inay noqoto mid tartan badan ka dhan ah kooxaha gobolka leh. 💰👀 oo ah 💰👀

Wuxuu soo bandhigi doonaa qorshayaal faahfaahsan oo ku saabsan isbeddeladan ee kooxda ee Golaha Guud ee xiga, waxaana la filayaa inay noqoto bisha soo socota, wararka The Athletic.

Baqortooyo maalin wacan Moh jaam
12/10/2025

Baqortooyo maalin wacan

Moh jaam

Happy 18 may Somaliland
14/05/2025

Happy 18 may Somaliland

Champion
31/01/2025

Champion

Address

Shiikh Bashiir
Burco
252

Telephone

+252634430147

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Moh jaam posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to Moh jaam:

Shortcuts

Share

Category