03/08/2026
𝐒𝐨𝐜𝐝𝐚𝐚𝐥 𝐍𝐚𝐛𝐚𝐝𝐚𝐲𝐧
Wafdi uu hoggaaminayay Wasiirka Cadaaladda iyo Arrimaha Diinta Puntland, 𝐆𝐚𝐫𝐲𝐚𝐪𝐚𝐚𝐧 𝐂𝐚𝐛𝐝𝐢𝐫𝐚𝐬𝐡𝐢𝐢𝐝 𝐖𝐚𝐫𝐬𝐚𝐦𝐞 𝐁𝐚𝐫𝐤𝐡𝐚𝐝𝐥𝐞, kana qayb ahaayeen Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Diinta 𝐆𝐚𝐫𝐲𝐚𝐪𝐚𝐚𝐧 𝐀𝐱𝐦𝐞𝐝 𝐌𝐚𝐱𝐚𝐦𝐮𝐮𝐝 𝐀𝐱𝐦𝐞𝐝 (𝐐𝐚𝐱𝐢𝐲𝐞), 𝐂𝐮𝐥𝐮𝐦𝐚𝐚’𝐮𝐝𝐢𝐢𝐧, 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐚𝐦𝐮𝐥𝐤𝐚 𝐌𝐮’𝐚𝐬𝐚𝐬𝐚𝐝𝐚 𝐀𝐥𝐦𝐢𝐧𝐡𝐚𝐚𝐣 𝐞𝐞 𝐃𝐚𝐜𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐭𝐚,ayaa socdaal nabadayn ku tegay deegaannada 𝐃𝐚𝐰𝐚𝐜𝐨 𝐢𝐲𝐨 𝐆𝐮𝐫𝐦𝐚𝐥𝐞 ee Gobolka Sanaag.
Wafdigu waxay kulammo la yeesheen beelo walaalo ah oo ay diriri ku dhex martay, iyagoo ku baaqay nabad, dib-u-heshiisiin iyo adkaynta walaalnimada Islaamka. Safarka ayaa sidoo kale lagu booqday Degmooyinka Ceel-Buh iyo Baran, halkaas oo ay kulammo kula yeesheen𝐒𝐮𝐥𝐝𝐚𝐚𝐧 𝐒𝐢𝐜𝐢𝐢𝐝 𝐒𝐮𝐥𝐝𝐚𝐚𝐧 𝐂𝐚𝐛𝐝𝐢𝐬𝐚𝐥𝐚𝐚𝐧, 𝐨𝐝𝐚𝐲𝐚𝐚𝐬𝐡𝐚 𝐝𝐡𝐚𝐪𝐚𝐧𝐤𝐚, 𝐢𝐲𝐨 𝐥𝐚𝐛𝐚 𝐠𝐮𝐝𝐝𝐢 𝐨𝐨 𝐢𝐬-𝐱𝐢𝐥𝐪𝐚𝐚𝐦𝐚𝐲, kuwaas oo kala ah guddi ka yimid magaalada Boosaaso iyo guddi deegaanka Baran ah oo u taagan dadaallada nabadaynta.
Dhanka kale, Culumaa’udiinka safarka qaybta ka ahaa waxay masaajidda ka wadaan muxaadarooyin, wacyigelin iyo khudbooyin ku saabsan qiimaha nabadda, walaalnimada iyo ka fogaanshaha colaadaha.
Culumada safarka qaybta ka ahayd:
𝟏- 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐤𝐡 𝐀𝐱𝐦𝐞𝐝 𝐃𝐚𝐚𝐡𝐢𝐫 𝐗𝐚𝐬𝐚𝐧 𝐗𝐮𝐬𝐞𝐞𝐧
𝟐- 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐤𝐡 𝐌𝐚𝐱𝐚𝐦𝐞𝐝 𝐂𝐚𝐛𝐝𝐮𝐥𝐥𝐚𝐡𝐢 𝐆𝐨𝐝𝐚𝐧𝐞 𝐗𝐨𝐨𝐬𝐡 𝐆𝐚𝐚𝐬𝐡𝐚𝐚𝐧
𝟑- 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐤𝐡 𝐌𝐚𝐱𝐚𝐦𝐮𝐮𝐝 𝐗𝐚𝐚𝐣𝐢 𝐘𝐮𝐮𝐬𝐮𝐟
𝟒- 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐤𝐡 𝐌𝐚𝐱𝐚𝐦𝐞𝐝 𝐌𝐚𝐜𝐚𝐥𝐢𝐧 𝐀𝐱𝐦𝐞𝐝
𝟓- 𝐆𝐮𝐝. 𝐂𝐢𝐢𝐬𝐞 𝐒𝐢𝐜𝐢𝐢𝐝 𝐌𝐚𝐱’𝐞𝐝
𝟔- 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐤𝐡 𝐘𝐚𝐚𝐬𝐢𝐢𝐧 𝐂𝐚𝐛𝐝𝐮𝐥𝐥𝐚𝐡𝐢 𝐂𝐚𝐥𝐢 𝐃𝐚𝐱𝐚𝐚𝐧
Mu’asasada Alminhaaj ee Dacwada iyo Horumarinta waxay sii xoojinaysaa kaalinteeda ku aaddan nabadaynta, dib-u-heshiisiinta iyo mideynta bulshada