Isse Sports

Isse Sports هنا يمكنك الاحتفاظ بألعاب حول كرة القدم

ARSENAL AYA SI TOOSA ULA WAREEGTAY GOOL HAYIHII H**E CHELSEA
02/07/2025

ARSENAL AYA SI TOOSA ULA WAREEGTAY GOOL HAYIHII H**E CHELSEA

Kaliya waxa la sugaya inta 18 jir noqonayoLAMINE YAMAL   10 👀
02/07/2025

Kaliya waxa la sugaya inta 18 jir noqonayo
LAMINE YAMAL 10 👀

23/06/2025

👀

Chelsea aya si rasmi ah heshiis buuxa la gaadhay daafaca Kalidou Koulibaly kaas o kaso dhaqaaqi doona kooxda Napoli.Iyad...
13/07/2022

Chelsea aya si rasmi ah heshiis buuxa la gaadhay daafaca Kalidou Koulibaly kaas o kaso dhaqaaqi doona kooxda Napoli.
Iyadoo maanta laga gudbiyay dalab gaadhaya €40M waa la aqbalay
Kalidou Koulibaly aya sexeexi doona heshiis wakhti dheer ah.

Raphinha ayaa hada heshiis buuxa lala gaadhay isagoo u wareegi doona kooxda Barcelona ee ka dheesha Laligaha dalka Spain...
12/07/2022

Raphinha ayaa hada heshiis buuxa lala gaadhay isagoo u wareegi doona kooxda Barcelona ee ka dheesha Laligaha dalka Spain
Kooxda Leeds aya aqbashay dalab uga yimi dhanka Barcelona kaas o ahaa €67M

Xidigan aya la sheegay isaguna inuu aad u xiisaynayay kooxda Barcelona

“Barcelona Ma Danayso Dadka Taariikhda U Sameeyey Kooxda”Ruug-caddaaga reer Brazil ee Dani Alves ayaa weerar ku qaaday B...
11/07/2022

“Barcelona Ma Danayso Dadka Taariikhda U Sameeyey Kooxda”

Ruug-caddaaga reer Brazil ee Dani Alves ayaa weerar ku qaaday Barcelona oo uu dhowaan ka tegay kaddib markii ay u cusboonaysiin waayeen qandaraaskiisa, waxaana uu saluug badan ka muujiyey sida ay Blaugrana ula dhaqanto ciyaartoyda taariikhdeeda hormoodka ka ahaa ee guulaha badan soo gaadhsiiyey.

Dani Alves ayaa ayaa ka niyad-jabay sida uu uga tegay Barcelona oo ku wargelisay in aanay heshiiskiisa cusboonaysiinayn, isaga oo 17 kulan u saftay qaybtii dambe ee xilli ciyaareedkii dambe.

39 jirkan oo ah ciyaartoyga ugu koobabka badan dunida, ayaa waraysi uu siiyey wargeyska The Guardian waxa uu kusoo bandhigay sida uu uga xun yahay qaabka ay Barcelona ula dhaqantay, isaga oo waliba xasuusan sida sannad ka hor uu Camp Nou uga tegay Lionel Messi oo ooyaya kaddib markii lagu wargeliyey in uu iska tago.
“Aniga oo murugaysan k**a tegin. Farxad ayaan ugu soo laabtay. Shan snnadood ayaan ku noolaa riyo ah in aan markaygii labaad kusoo noqdo, waxa kaliya ee aanan jeclaysanina waa sida loo maareeyey bixitaankayga hadda.” Ayuu yidhi Dani Alves.

Waxa uu ku daray: “Tan iyo markii aan soo laabtay, waan caddeeyey in aanay hadda da’daydu ahayn 2- jir, waxaanan doonayay in ay wax walba si fiican u socdaan iyadoo aan waxba la qarinayn, laakiin kooxdan ayaa qasnayd sannadihii ugu dambeeyey. Barcelona ma daryeesho dadka taariikhda u sameeyey kooxdan.

“Waxa aan jeclaan lahaa in Barcelona ay si ka duwan wax u maarayso, k**a hadlayo naftayda sababtoo ah xaaladdaydu waxay ahayd mid ka duwan. Waxa aan se uga mahad-celinayaa Xavi iyo Madaxweynaha inay dib iisoo celiyeen.”

Dani Alves oo ay da’diisu tahay 39 jir, waxa uu doonayaa in uu sii wato ciyaaraha oo uu kusii jiro, sidoo kalena uu xulka qarankiisa Brazil kala qayb-galo Koobka Adduunka.

Hugo Ekitike, had iyo jeer wuxuu ku jiray liiska Paris Saint-Germain sida agaasimaha Luís Campos wuxuu u arkaa mid xirfa...
11/07/2022

Hugo Ekitike, had iyo jeer wuxuu ku jiray liiska Paris Saint-Germain sida agaasimaha Luís Campos wuxuu u arkaa mid xirfad aad u saraysa leh.
PSG: hadii Ekitike uu ku biiro, amaah laguma diri doono

Rasmi ah waa la xaqiijiyay. Arturo Vidal ayaa heshiis la gaaray Inter si uu u burburiyo heshiiska kadibna uu u saxiixo F...
11/07/2022

Rasmi ah waa la xaqiijiyay. Arturo Vidal ayaa heshiis la gaaray Inter si uu u burburiyo heshiiska kadibna uu u saxiixo Flamengo.
Vidal wuxuu ka tagayaa kubada cagta Yurub wuxuuna u wareegi donaa xagaas iyo latiin America.

Rasmi ah, waa la xaqiijiyay. Cheick Doucouré ayaa Crystal Palace kaga soo biiray Lens heshiis joogto ah oo £18M ah.Caafi...
11/07/2022

Rasmi ah, waa la xaqiijiyay. Cheick Doucouré ayaa Crystal Palace kaga soo biiray Lens heshiis joogto ah oo £18M ah.
Caafimaadka ayaa la dhameystiray hada.

Address

Borama
252

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Isse Sports posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Share

Category