Al Jaziira FC

Al Jaziira FC Kusoo dhowaada Page-ka Rasmiga ah ee
kooxda kubada cagta Al Jaziira.

Best PlayerMohamed Abdullahi Mohamed Best GoalKhaalid Abdalla HizaamTop ScoreAbukar Aadam NourBest DefenderHussien Moham...
10/06/2026

Best Player

Mohamed Abdullahi Mohamed

Best Goal

Khaalid Abdalla Hizaam

Top Score

Abukar Aadam Nour

Best Defender

Hussien Mohamed Nour

AL Jaziira is the Best Team in Buur Hakaba Division TwoONE TEAM👉ONE DREAM👉ONE CHAMPION
10/06/2026

AL Jaziira is the Best Team in Buur Hakaba



Division Two

ONE TEAM👉ONE DREAM👉ONE CHAMPION

Maamulka, ciyaartoyda iyo taageerayaasha kooxda kubadda cagta Al Jaziira waxay ummadda Islaamka meel kasta oo ay joogaan...
26/05/2026

Maamulka, ciyaartoyda iyo taageerayaasha kooxda kubadda cagta Al Jaziira waxay ummadda Islaamka meel kasta oo ay joogaan ugu hambalyeynayaan munaasabadda qiimaha badan ee Ciidul Adxaa.

Waxaan Alle ka baryeynaa inuu naga aqbalo acmaasha suuban, caafimaad iyo barwaaqona nagu gaarsiiyo ciidan teeda kale.

Sidoo kale alle waxaan ugu baryeynaa Dhamaan xujeyda muslimiinta gudanaya waajibaadka Xajka inuu ka aqbalo acmaashooda suubban.

Kooxda Kubadda Cagta Al Jaziira waxay tahniyad iyo hambalyo diirran u diraysaa dhammaan taageerayaasheeda, ciyaartoyda, ...
19/03/2026

Kooxda Kubadda Cagta Al Jaziira waxay tahniyad iyo hambalyo diirran u diraysaa dhammaan taageerayaasheeda, ciyaartoyda, maamulka, bahda isboortiga, iyo guud ahaan bulshada Muslimka ah munaasabadda barakaysan ee Ciidul-Fitr awgeed.

Ciidul-Fitr waa munaasabad qiimo weyn ku leh quluubta Muslimiinta waxayna astaan u tahay farxad, is-cafis, walaaltinimo iyo xoojinta isku duubnida bulshada, iyadoo ku soo beeganta dhammaadka bisha barakaysan ee Ramadaan oo ah bil cibaado, samafal iyo naxariis.

Maamulka iyo hoggaanka Kooxda Al Jaziira waxay Alle uga baryayaan in ciidani ay u noqoto dhammaan ummadda Muslimka ah mid ay ku dheehan yihiin nabad, barako, caafimaad iyo barwaaqo sidoo kale waxay rajaynayaan in munaasabaddani ay sii xoojiso qiyamka wadajirka is-ixtiraamka iyo wada noolaanshaha bulshada.

Kooxda Al Jaziira waxay si gaar ah ugu mahadcelinaysaa taageerayaasheeda qiimaha badan ee mar walba garab taagan kooxda kuwaas oo door muhiim ah ku leh dhiirrigelinta iyo horumarka joogtada ah ee kooxda.

Ugu dambayn Kooxda Kubadda Cagta Al Jaziira waxay mar kale u rajaynaysaa dhammaan taageerayaasheeda, bahda ciyaaraha iyo guud ahaan bulshada Muslimka ah Ciid Mubaarak, iyagoo rajaynaya mustaqbal ay ku dheehan yihiin guulo, barwaaqo iyo farxad wadajir ah.

Kooxda kubadda cagta Al Jaziira waxay si rasmi ah u shaacinaysaa in ay dhammaystirtay wejigii ugu dambeeyey ee saxiixyad...
14/03/2026

Kooxda kubadda cagta Al Jaziira waxay si rasmi ah u shaacinaysaa in ay dhammaystirtay wejigii ugu dambeeyey ee saxiixyada ciyaaryahannada cusub, iyadoo kooxda ay ku soo biireen afar ciyaaryahan oo lagu xoojinayo safka kooxda.

Saxiixyadan cusub ayaa qayb ka ah qorshaha kooxda ee lagu horumarinayo tayada iyo awoodda safka ciyaartoyda, si loo xoojiyo tartanka gudaha kooxda loona gaaro himilooyinka ay kooxdu hiigsanayso xilli ciyaareedkan.

Maamulka kooxda Al Jaziira waxay si diirran u soo dhoweynayaan ciyaaryahannada cusub, iyagoo u rajaynaya inay door muhiim ah ka qaataan guulaha iyo horumarka kooxda,sidoo kale maamulka ayaa uga mahadcelinaya taageerayaasha sida joogtada ah u garab taagan kooxda.

07/03/2026

Dhiirigeliye,hogaamiye ruuxi ah mudan maamuus iyo sharaf intaas iyo ka badan waad naga mudantahay.

Maamulka Kooxda Al Jaziira ayaa maanta shahaado sharaf guddoonsiiyey Ahmed Abdi Gaboobe (Rasta) oo si joogto ah u ahaa d...
07/03/2026

Maamulka Kooxda Al Jaziira ayaa maanta shahaado sharaf guddoonsiiyey Ahmed Abdi Gaboobe (Rasta) oo si joogto ah u ahaa dhiirrigeliye, hogaamiye ruuxi howlkar ah isla markaana mar walba garab taagnaa kooxda.

Ahmed Abdi Gaboobe (Rasta) wuxuu door weyn ka qaatay taageeridda iyo dhiirrigelinta kooxda, taas oo qayb muhiim ah ka noqotay guulaha iyo horumarka ay kooxda gaadhay.

Maamulka Kooxda Al Jaziira waxay si weyn ugu mahadcelinayaan dadaalka, daacadnimada iyo dhiirigelinta joogtada ah ee uu u muujiyey kooxda. Sidoo kale waxay ku ammaaneen kaalinta qiimaha leh ee uu ku leeyahay horumarka iyo guulaha kooxda.

Maamulka iyo taageerayaasha Kooxda Al Jaziira waxay u rajaynayaan Ahmed Rasta guul iyo horumar mustaqbalka, iyaga oo ku boorinaya inuu sii wado taageerada iyo dhiirrigelinta qiimaha leh ee uu mar walba la garab taagan yahay kooxda.

Maamulka Kooxda Al Jaziira waxay si rasmi ah ugu dhawaaqayaan in heshiisyo cusub lala saxiixday dhammaan ciyaaryahanada ...
06/03/2026

Maamulka Kooxda Al Jaziira waxay si rasmi ah ugu dhawaaqayaan in heshiisyo cusub lala saxiixday dhammaan ciyaaryahanada kooxda koowaad, si loo xoojiyo mustaqbalka iyo xasilloonida kooxda.

Heshiisyadan cusub ayaa qayb ka ah qorshaha horumarinta kooxda, iyadoo maamulka iyo ciyaaryahanaduba ay muujiyeen rabitaan wadajir ah oo lagu sii wado wada shaqeynta iyo isku duubnida guud ahaan ciyaartoyda.

Dhanka kale, ciyaaryahanada ayaa muujiyay sida ay ugu faraxsan yihiin heshiisyada cusub, iyagoo ballanqaaday in ay sii wadi doonaan dadaalka ay ugu jiraan guusha kooxda iyo farxadda taageerayaasha.

Kooxda Al Jaziira waxay sidoo kale u mahadcelinaysaa taageerayaasheeda joogtada ah ee mar walba garab taagan kooxda.

05/03/2026

Saxiixa heshiiska tababaraha cusub.

05/03/2026

Ahmed rasta xubin sharafeed kooxda iney guul soo gaarto qeyb lixaad leh ka qaatey iyo tababraha cusub kooxda AL Jaziira Hamza Ali Amin .

Address

Buur-Hakaba Bay Somalia
Bay
00252

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Al Jaziira FC posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Shortcuts

Share

Category