21/12/2025
Mahadsanidiin bahda Kunya Barrow TV
๐ฅ๐ผ๐ผ๐ด ๐๐ต๐ถ๐ด๐ถ๐ฑ๐ฑ๐ฎ ๐๐ฎ๐ฟ๐ผ๐ผ๐ป๐ธ๐ฎ ๐๐๐ฏ๐ฎ๐ฑ๐ฑ๐ฎ ๐๐ฎ๐ด๐๐ฎ ๐๐น๐ถ ๐ข๐บ๐ฎ๐ฟ ๐ฆ๐ต๐ฒ๐ฒ๐ด๐ผ๐ ๐ฒ๐ฒ ๐๐ฎ๐ฟ๐ฎ๐ฎ๐๐ฒ โ ๐๐-๐ซ๐ถ๐น๐พ๐ฎ๐ฎ๐ป ๐ฆ๐ต๐ฎ๐ฐ๐ฎ๐ฏ!
Mahadcelin
Waxaan mahadcelin ballaaran halkaan uga direynaa Mudane Abdukadir Sheikh Mohamed oo ka mid ah haldoorrada dhallinyarada iyo laf-dhabarta dadka iyo deegaanka Baraawe deggan Dalka Mareynkanka ๐บ๐ธ oo maalmahaan ku sugan degmada baraawe una yimid howlo samafal iyo ka qayb-qaadashada adeegyada bulshada.
Kulan iyo Is-xog wareysi uu la yeeshay Guddiga Is-xilqaanka Roog Dhigista Garoonka Kubadda Cagta Ali Omar Sheegow ee Degmada Barawe, guddiga ayaa uga war-bixiyey marxaladda uu maraayo Is-xilqaanka Roog Dhigista, waxa uu soo dhoweeyey shaqada quruxda badan ay Guddiga iyo Dadka Reer Barawe haayaan, intaas kadib waxa uu ballan qaaday in uu qaadan doono shaqada mid ka mid ah qaybaha ugu muhiimsan oo ah Dhismaha Dhulka, Shubka iyo Simidda Garoonka lacagtaas oo qiyaas ahaan lagu qiimeeyey $50,000+ (Konton Kun Oo Dollar).
Sidoo kale waxaa shaqada ka hari doonta Roogga oo ah Shaqada 2aad ee ugu muhiimsan.
Baraawe waa la horumarin karaa, haddii aan gacmaha is qabsanno!
Muwaadin ka qayb qaado roog Dhigista Garoonka Ali Omar Sheegow.
Kunya Barrow Tv