31/08/2026
Musharax Madaxweyne Libaan Ahmed Hasan oo Hoygiisa Ku Qaabilay Suldaan Sheikh Abdirahman Sh. Mohamed Ciroobe iyo qaar kamida Xildhibaannadii kusoo baxay doorashadii Galmudug.
Madaxweynaha, Libaan Ahmed Hasan, ayaa hoygiisa Dhuusamadeeb ku qaabilay Suldaan Sheikh Abdirahman Sh. Mohamed Ciroobe, Suldaanka Beesha Saruur, iyo qaar ka mid ah xildhibaannada cusub ee Galmudug.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray arrimo muhiim ah oo la xiriira xaaladda bulshada, xoojinta wadajirka iyo iskaashiga, iyo sidii loo sii ambaqaadi lahaa dadaallada loogu adeegayo shacabka iyo horumarinta deegaanka.
Intii uu kulanku socday, dhinacyadu waxay yeesheen wada-hadal miro-dhal ah, iyagoo is dhaafsaday aragtiyo iyo talooyin ku aaddan arrimaha taagan. Waxaa sidoo kale lagu gaaray isfaham iyo heshiisyo muhiim ah, iyadoo labada dhinac ay isla qaateen ballamo iyo qorshayaal kale oo muhiim u ah mustaqbalka.
Kulanka ayaa ku soo dhammaaday jawi wanaagsan oo ku dhisan is-qaddarin, wada-shaqeyn iyo isfaham, waxaana la isku raacay in la sii xoojiyo xiriirka iyo wada-tashiga joogtada ah.