20/09/2026
Shaqsi Shaqadii Dawladdaha Haya
Mr Beast, Youtuber-ka ugu weyn caalamka ayaa markale sameeyay arrin soo jiidasho leh kaddib markii uu dalka Ghana ka dhisay tuulo ay ku baxday $10 MILYAN.
Tuuladan ayaa loo qaabeeyay inay boqolaal carruur ah waxbarasho ku helaan, caafimaad wanaagsan, biyo nadiif ah, cunto nafaqo leh iyo in ka badan 10 guri oo macalimiinta carruurta wax baraysa loogu talo-galay.
Maaha markii ugu horreysay ee uu Mr Beast mashruuc sidan u weyn ka sameeyo guud ahaan Africa.