25/06/2026
⚽ SIDEE LOO HELAA 32-KA KOOXOOD EE U GUDBA WAREEGGA XIGA?
Waxaa jira 12 group (A ilaa L), waxaana group kasta ka kooban yahay 4 kooxood. Koox walba waxay ciyaartaa 3 kulan.
✅ Kooxaha si toos ah u soo baxaya:
* Kaalinta 1-aad ee group kasta.
* Kaalinta 2-aad ee group kasta.
Taas macnaheedu waa:
12 Group × 2 Koox = 24 Kooxood oo si toos ah ugu gudbaya wareegga xiga.
Waxaa haddana loo baahan yahay 32 kooxood, sidaas darteed waxaa harsan 8 boos.
🟢 Sidee loo buuxiyaa 8-daas boos?
12-ka kooxood ee kaalinta 3-aad gala ayaa la is barbar dhigaa, waxaana laga soo xulaa 8-da kooxood ee ugu fiican, iyadoo lagu kala saarayo:
1️⃣ Dhibcaha (Points)
2️⃣ Farqiga goolasha (Goal Difference)
3️⃣ Goolasha laga dhaliyey (Goals Scored)
4️⃣ Natiijada kulanka tooska ah (Head-to-Head), haddii ay khusayso
5️⃣ Fair Play (Kaararka jaallaha iyo casaanka)
📌 Soo koobid:
* 🔵 24 kooxood = 1-aad & 2-aad ee 12-ka group.
* 🟢 8 kooxood = Kooxaha kaalinta 3-aad ee ugu fiican.
* ⚽ Wadarta = 32 kooxood oo u gudbaya wareegga xiga (Round of 32).
Ma kula tahay in nidaamkan uu tartanka ka dhigayo mid xiiso badan, maadaama xitaa kooxda kaalinta 3-aad gasha ay weli fursad u leedahay inay u gudubto wareegga xiga? 👇💬