Wanleweyn new

Wanleweyn new "The official page of Wanlaweyn new. WN is one of the local New stations in Somalia.

23/08/2026

Sheekh Umal ''Ururso, ka dherag, bangiyada buuxso, laakiin waxaad ogaataa waxaa kaa dambeeya maalin uu dheecaanku kaa daadan doono.''

23/08/2026

Awood sheegashada bulshada nugul iyo cagafta saxiixa wadata 🤔

Aaway masuuliyadii loo dhaartay maxaa ganacsatada dhurwaaga ah ummada looga qaban waayay 😪

27/06/2026

Alle ha u naxariisto Saleymaan Yuusuf Cabdi, oo xalay ku geeriyooday degmada Wanlaweyn, kana mid ahaa odayaasha dhaqanka ee degmada.

Waxaan tacsi tiiraanyo leh u direynaa qoyskiisa, ehelkiisa, asxaabtiisa iyo guud ahaan bulshada Wanlaweyn. Waxaan Alle uga baryeynaa inuu marxuumka ka waraabiyo naxariistiisa ballaaran, qabrigiisana u waasiciyo, kana yeelo kuwa Janatul Firdowsa ku waara.

Samir iyo iimaan Alle haka siiyo dhammaan ehelkii iyo qaraabadii uu ka baxay.

Aamiin Yaa Rabbal Caalamiin.

12/06/2026

Degmada Wanlaweyn ayaa maanta martigelisay munaasabad ballaaran oo lagu soo dhaweynaayay laguna taageerayay Madaxweynaha cusub ee Dowlada Koonfur Galbeed Soomaaliya, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur.

Hoggaamiyaha Ku-meel-gaarka ah ee Koonfur Galbeed Mudane Jabriil, Mudane Xildhibaan Sayid Axmed Abukar  iyo Guddoomiyaha...
12/06/2026

Hoggaamiyaha Ku-meel-gaarka ah ee Koonfur Galbeed Mudane Jabriil, Mudane Xildhibaan Sayid Axmed Abukar iyo Guddoomiyaha Dhalinyarada Mudane Abdirisaaq Dhaayow ayaa wada qaatay kulan muhiim ah oo diiradda lagu saaray horumarinta Degmada Wanlaweyn iyo xaaladda guud ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed.

Kulanka ayaa si gaar ah looga hadlay dardargelinta adeegyada bulshada, horumarinta kaabeyaasha dhaqaalaha, xoojinta amniga, iyo sidii dhalinyarada loogu abuuri lahaa fursado waxbarasho iyo shaqo. Sidoo kale, mas'uuliyiintu waxay is dhaafsadeen fikrado iyo talooyin ku saabsan sidii loo adkeyn lahaa wada shaqeynta bulshada iyo maamulka si loo gaaro horumar waara.

Ugu dambeyn, dhinacyadii kulanka yeeshay ayaa adkeeyay muhiimadda ay leedahay mideynta dadaallada lagu horumarinayo Degmada Wanlaweyn iyo guud ahaan deegaannada Koonfur Galbeed, iyagoo ballan qaaday inay sii wadi doonaan wadatashiyada iyo qorshayaasha lagu xaqiijinayo horumar iyo xasillooni.

Degmada Wanlaweyn ayaa maanta martigelisay munaasabad ballaaran oo lagu soo dhaweynayay laguna taageerayay Madaxweynaha ...
12/06/2026

Degmada Wanlaweyn ayaa maanta martigelisay munaasabad ballaaran oo lagu soo dhaweynayay laguna taageerayay Madaxweynaha cusub ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur.

Munaasabadda ayaa waxaa ka qeyb galay maamulka degmada, odayaasha dhaqanka, dhalinyarada, haweenka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada, kuwaas oo muujiyay taageeradooda buuxda ee ay u hayaan hoggaanka cusub.

Mas’uuliyiintii iyo shacabka ka hadlay munaasabadda ayaa tilmaamay in ay diyaar u yihiin la shaqeynta maamulka cusub si loo xoojiyo amniga, loo dardargeliyo horumarka, loona hormariyo adeegyada bulshada ee deegaannada Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed.

Bulshada Wanlaweyn ayaa sidoo kale Madaxweynaha cusub ugu hambalyeysay xilka loo doortay, iyagoo u rajeeyay inuu ku guuleysto gudashada waajibaadka loo igmaday, isla markaana uu shacabka Koonfur Galbeed ku hoggaamiyo midnimo, nabad iyo horumar waara

Munaasabaddu waxay ku soo dhammaatay jawi farxad iyo is-xilqaan leh, iyadoo shacabka degmada Wanlaweyn ay muujiyeen sida ay uga go’an tahay taageeridda dowladda iyo hoggaanka cusub ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Dagaal culus ayaa markale ka bilowday hoyga uu Muqdisho ka degay M/weyne h**e Shariif kaasi oo kuyaalla degmada C/casiis...
03/06/2026

Dagaal culus ayaa markale ka bilowday hoyga uu Muqdisho ka degay M/weyne h**e Shariif kaasi oo kuyaalla degmada C/casiis.

dhawaqa rasaas iyo hub culus ayaa laga maqlayaa magaalada Muqdisho iyadoo ciidamo horleh oo ka tirsan kuwa dowladda ay ku biireen dagaalka u dhaxeeya ciidamada mucaaradka iyo kuwa dowladda.

wixii kusoo kordha halkan kala soco.

03/06/2026

Koofiya Castii Madaxtooyada oo Cabdicaziiz ku sii qulquleysa, xaalka wali ma dhawa.

28/05/2026

🌙 Ciid Wanaagsan – Maalinta 2-aad 🌙

Beerta Ibnu Cabdalla oo Eedin leh waxay hambalyo iyo bogaadin u diraysaa dhammaan shacabka Soomaaliyeed munaasabadda Ciidda.

Maalinta labaad ee Ciidda awgeed, waxaan idiin rajeynaynaa farxad, caafimaad, nabad iyo nolol barwaaqo leh.
Allah hanaga aqbalo cibaadadii, hana nagu gaarsiiyo ciid kale annagoo kheyr qaba.

04/05/2026

Dowladnimo🇦🇿💪

Address

London Colney

Opening Hours

Monday 9am - 5pm
Tuesday 9am - 5pm
Wednesday 9am - 5pm
Thursday 9am - 5pm
Friday 9am - 5pm
Saturday 9am - 5pm
Sunday 9am - 5pm

Telephone

+4479895013154

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Wanleweyn new posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Shortcuts

Share