Khadar shariff

Khadar shariff Bogga aqoonsiga khadar shariff waxaa kugu diyarsan dhaman wixi maclumad aad uga baahan tahay shabakada Facebook mahadsanid

Sawirada dhoolatuska Soomaliya.Maanta waxaa u daarran heestii Singub(AHN) ee erayada kamid ahaayen: "Soomalidu kaddeed a...
12/04/2026

Sawirada dhoolatuska Soomaliya.
Maanta waxaa u daarran heestii Singub(AHN) ee erayada kamid ahaayen: "Soomalidu kaddeed arragtay. Ka baxday, kuftay kacday
Jabtay oo kabantay."

hampalyo hamplyo dhaman umada muslimiinta ah waxaan ugu hambalyaynayaa maalinta farxada ciida  ciid mubaarak kulu caam w...
19/03/2026

hampalyo hamplyo dhaman umada muslimiinta ah waxaan ugu hambalyaynayaa maalinta farxada ciida ciid mubaarak kulu caam wa antum bilkhayr

06/03/2026

$890 milyan oo dollar ayaa Mareykanka ugu baxda maalin walba dagaalka Iran.

06/03/2026

"Wahadal ma rabno, Xabad joojin sidoo kale ma dooneyno. Dagaalka anaga ma bilaabin, lakin anaga ayaa leh go'aanka iyo waqtiga uu dhamaanayo dagaalka. Iran waxey diyaar u tahay inay waji ka waji isku qabtaan ciidanka Mareynka, waxaana leenahay soo dhowaada". Sidaas waxaa yiri Wasiirka Arrimaha Dibadda Iran oo noqday qofka Mareykanka loogu hadal-heyn badan yahay.

06/03/2026
Ku: Xafiiska Madaxweynaha Dowlad Deegaanka Soomaalida (DDS)Og: Golaha Fulinta ee DDSOg: Golaha Wakiillada Shacabka DDSUj...
27/07/2025

Ku: Xafiiska Madaxweynaha Dowlad Deegaanka Soomaalida (DDS)
Og: Golaha Fulinta ee DDS
Og: Golaha Wakiillada Shacabka DDS

Ujeeddo: Codsi ku saabsan sababta qabiilka Ashraaf looga reebay degmooyinka cusub ee DDS

Mudane Madaxweyne,

Anagoo ah qabiilka Ashraaf ee si buuxda ugu sugan deegaanada kala duwan ee Dowlad Deegaanka Soomaalida (DDS), waxaan si sharaf iyo xushmad leh idiinku soo gudbinaynaa codsi la xiriira ka reebista aan cadaaladda ku salaysnayn ee lagu sameeyay qabiilka Ashraaf xilligan la magacaabay degmooyinka cusub ee deegaanka

Cabashada:

Waxaa si cad u muuqata in:

Qabiilka Ashraaf, oo leh deegaano buuxinaya shuruudaha degmo-sameynta (dhul, dad, iyo baahi adeeg), aan loogu darin liiska degmooyinka cusub;

Halka dhanka kale, deegaamo ay degan yihiin dad tiro ahaan ka yar, loo aqoonsaday degmooyin rasmi ah — taasoo u muuqata takoorid ku saleysan hayb bulsho, oo si toos ah uga hor imaanaysa dastuurka DDS iyo mabda’a maamul wanaaga.

Waxa aan codsanayno:

1. Dib u eegis degdeg ah oo lagu sameeyo liiska degmooyinka cusub, si bulshadeenna Ashraaf loogu daro si cadaalad ah;

2. In la bixiyo sharaxaad rasmi ah oo sharci ku saleysan sababta qabiilka Ashraaf looga reebay degmooyinka, haddii ay jirto;

3. In qorshaha degmo-sameyntu uu noqdo mid lagu saleeyo:

Juqraafi,

Tirada dadka,

Baahida adeeg,

La’aanta matalaad h**e,

Balse aan lagu saleyn hayb, qabiil ama dano gaar ah.

Xusuusin Sharciyeed:

Sida uu dhigayo Dastuurka Federaalka Itoobiya (Qodobka 39 iyo 46) iyo Dastuurka DDS (Qodobka 😎, dhammaan muwaadiniintu waxay leeyihiin:

Xuquuq u siman oo ku saabsan matalaadda, helitaanka adeegyada dawladda, iyo maamul deegaanka ah;

In aysan jirin wax eex, takoorku saleysan qabiil ama deegaan.

> Sidaa darteed, ka reebista qabiilka Ashraaf ee degmooyinka cusub waxay u dhigantaa sharci darro, ku tumasho dastuurka, iyo caddaalad darro maamul.
Waxaan rajaynaynaa in codsigan si mas’uliyad leh loo qaato, loogana jawaabo si wafaqsan dastuurka,

Aqoon yahanka deganka khadar sharif

Address

Jijiga

Telephone

+251926841483

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Khadar shariff posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Shortcuts

Share