23/05/2026
Ma Muhiim Baa In aan Qaato Cunto Tamar Leh Ka Hor Aalamiintada?
Haa , Waa Kuu Muhiim in aad Qaadato. Cuntooyinka Tamarta Waxaa loo kala Qeybiyaa Labo Qeybood:
1) CUNTOOYINKA TAMARTA EE FUDUD.
Qeybtan Waxaa ay ka Caawisaa Jirka In ay Durboba u Abuurto Maadada Tamarta iyada oo sii mareysa Cuntada Mindhicir-yaraha Dabeetana Laga Soo Saaro Maadada Sonkorta ee Dhiigga. Waxaa ay sidaasi kusii raacisaa marinada dhiiga iyada oo u keydisa Maadada ' Glycogen '. Waxaa durboba kala qeybsada Murqaha , Xubnaha kale ee Jirka iyo Maskaxda oo Qaadata 25%.
Cuntooyinkan waxaa ay isugu jiraan :
1) Canabka. 2) Muuska. 3) Barriers. 4) Caanaha. 5) Yogurt-ka. 6) Timirta. 7) Malabka. Iwm. Khudaarkasta ee Macaan. 8) Sonkorta Noocyadeeda kala Duwan.
Waxaa lagu Talagalay Qeybtan In uu Qofka Cuno ka hor Aalamiintada , Maxaa Yeelay labada Qof ee Miisaan-ridaha iyo Miisaan-isku daraha waxaa ay ka saaciddaa ; Miisaan ridaha waxaa uu dareemayaa gaajo badan — Waxaana uu sidaasi ku qaadanayaa Cunto Protien badan balse Calorie-ga ama Sameysanka Tamarta Saa'idka ah cuntooyinka keena ayuu ka yareynayaa. Dhanka kale , Miisaan isku darahana waxaa uu cunayaa cunto badan.
Nala wadaag, Maxaad Qaadataa Gym-ka Ka Hor?
Abdikhadir Mohamed
Certified Fitness Nutrition & Personal Trainer.
NASM Certification | ISSA Nutrition Certification