20/06/2026
WARGELIN KOOBAN.
Xidhiidhka Kubadda Cagta DDS wuxuu ku wargelinayaa dhammaan ka qaybgalayaasha, taageerayaasha iyo bahda ciyaaraha in berri si rasmi ah uga furmi doono garoonka Jigjiga Stadium Tartanka Horyaalka Gobollada Heer Deegaan, kaddib markii si guul leh loo soo gabagabeeyay isku-aadkii kooxaha iyo dhammaan diyaar-garowgii la xidhiidhay tartanka.
Waxaan dhammaan kooxaha, masuuliyiinta, ciyaartoyda iyo taageerayaasha ugu baaqaynaa inay si buuxda u dhowraan xeer-hoosaadka iyo habraacyada lagu hagayo tartanka, isla markaana ay ka shaqeeyaan ilaalinta anshaxa, is-ixtiraamka iyo nabadgelyada, si tartanku noogu qabsoomo uguna soo dhammaado jawi deggan oo nabdoon ah.
Waxaan dhammaan shacabka ku casuumaynaa inay ka soo qayb galaan inta uu tartanka socdo isla markaana ay si wanaagsan u taageeraan kooxahooda.
Guul iyo ciyaar wanaag ayaan u rajaynaynaa dhammaan ka qaybgalayaasha.