23/09/2024
Shirkada DHL 1969 ayay Sadexda nin ee 1.Adrian Dalsey, 2.Larry Hillblom, iyo 3.Robert Lynn go’ansadeen inay bilaaban ganacsiga delivery ga iyago ku bilaabay dhaqaale yar, magaca shirkadana si fudud wxay usoo gaabsaden isla magacyadooda (last names)
55 sano kadib maanta DHL wxay leedahay:
♤250 diyaaradood
♤ 32,000 gaadid ah
♤ 550,000 (nus million) shaqaale ah
Dakhligooda waxa lagu qiyaasa boqolaal billion oo doolar.
Tan waxay ina baraysa noloshu inay hoos kasoo bilaabanto sidoo kale inaad isku xeertid (raacdid) dadka ka hadla kana fikira siday usamayn lahaayen mashaaric ganacasi, riyooyin waawayn iyo hadafyo guuleysta aanad ka fogaatid dadka negative ka, Cabsida iyo caajiska badan.
Hadii aad howl billowdo dhamays tir adigoo joogtaynaya talaabooyinka yaryar ee hadafka ku gaadhsiinaya waayo guushu waxay qaadata wakhti, dedaal, Caqli iyo inaad diirada saartid ficilladaada.
W/Q Shuaib Mohamed