12/09/2025
'Maydka Na Siiya' waa weedh dareentaabad leh. Waa dhambaal dhibbane, marna waa dhacdo laga dhex akhrisan karo dhiillo ummadeed iyo dhacdooyin taariikheed. Dhacdada qoyska reer Haybe waa uun tusaale kooban oo ka mid ah boqollaalka qiso ee qalinmakoobaanka ah ee bulshada DDS ka dhaxashay xukuumaddii Dhiigyacabka ahayd ee TPLF iyo gacanyaraheedii Cabdi Iley.
Magaalada Dhagaxbuur waxa ay martigalin doontaa bandhigga dhiganaha aynu kor ku xusnay ee Maydka Na Siiya. Haddaba, dhammaan, dadwayaha Dhagaxbuur waxaan si sharaf leh uga codsanaynaa in ay nagala soo qayb galaan.
Goobta: Hoolka TVT-ka Dhagaxbuur
Goorta: 12/09/2025, 6:30 PM