12/02/2025
Tartanka kubadda Cagta Dawladda Deeganada Dalka .
Kooxda kubadda Cagta Deegaanka Dhabuubta ayaa ku Guulaystay kadib Guul cidhiidhi ah oo ay ka gaadheen Da’yarta Deeganka ciyaartaas oo ku soo dhamatay Dhabuub 2-1 DDS.
Ciyaartan ayaa qaybtii h**e kusoo dhamatay Bar bar Dhac Gool la’aan ah .
Qaybtii Danbe Ee Ciyaarta Xulka Deeganka Somalida ayaa raadiyay Goolal waxayna Weerar sida roobka oo kale ah ku qaadeen Shabaga Deeganka Dhabubta,markaasna waxay ahayd khaladkii ugu waynaa ee ay galeen kadib markii lala soo daba maray kubadd Baas dheer ah taas oo sahahashay in Deeganka dhanuubto Gool ku hogaamiyo Ciyaarta.
Xulka Deeganka ayaa markale raadiyay Goolka bar bar dhaca ah waxayna Daqiiqadii 73aad keeniin Goolka bar bar dhaca ah hasa yeeshii Waxaa Xulka Deeganka daqiiqado kadib loo tagay kaadhka Casaanka ah (Red Card ) waxana bilaamatay Dhiiranaanta Xulka Deeganka Dhabuubta waxayna dhamaadkii Ciyaarta keeniin Goolka Guusha ciyaartaas oo kusoo dhamatay 2-1 ay Guusho ku raacday Dhabuub kilil.
Top score Goold Dhalinta iyo Gool-hayihii ugu wanagsanaha waxaa loo cumaamaday laba Ciyaar yahan oo kasoo jeeda DDs .