05/18/2026
๐๐ข๐ฅ๐ฆ๐ข-๐ง๐๐๐ฌ๐ข๐ ๐ ๐๐๐๐๐ ๐ญ๐: ๐
๐๐ฅ๐๐ง๐ช๐๐ฒ๐ง ๐๐จ๐ญ๐จ ๐๐ก๐๐๐ซ ๐จ๐จ ๐ค๐ฎ ๐ฌ๐๐๐๐ฌ๐๐ง ๐๐๐๐ซ๐๐ฒ๐ง๐ญ๐ ๐๐ก๐๐ช๐๐ง๐ค๐ ๐๐๐๐ฅ๐ข๐ฒ๐๐๐๐๐
Dhawaan waxaan fursad u helay inaan daawado mid ka mid ah Podcast-yada ugu saamaynta badan dhanka maaliyadda, kaas oo dhexmaray Mel Robbins iyo Morgan Housel.
Morgan waa qoraaga buugga caanka ah ee "The Psychology of Money" (Cilmi-nafsiga Lacagta), kaas oo la iibiyay in ka badan 10 milyan oo nuqul, laguna turjumay luuqado badan oo dunida ah.
Housel waxa uu caan ku yahay inuu lacagta ka eego dhinac ka duwan sida ay dadka badankiisu u eegaan; isagu ma aaminsana in lacagtu tahay xisaab iyo tirooyin oo kaliya, balse wuxuu rabaa inuu dadka fahamsiiyo in hantidu ay tahay "dhaqan iyo cilmi-nafsiga qofka." Markaan daawaday muuqaalkiisa, waxaan garawsaday in casharrada uu bixinayo ay yihiin kuwo beddeli kara mustaqbalka qof kasta oo si dhab ah u dhuuxa.
1.Maskaxda Dhaqaalaha (Financial Mindset)
Housel waxa uu hadalkiisa ku bilaabay inuu inoo iftiimiyo mid ka mid ah khaladaadka ugu waaweyn ee bulshadu ku dhacdo, kaas oo ah farqiga u dhexeeya 'Rich' iyo 'Wealthy'. Sida uu qabo, in qofku noqdo "Rich" waa mid ku kooban muuqaalka bannaanka iyo waxyaabaha la arki karo, sida baabuurka qaaliga ah ee aad wadato ama guriga aad deggen tahay. Waa maqaam ku dhisan kharashgareyn.
Hase yeeshee, in qofku noqdo "Wealthy" waa hanti dhab ah oo inta badan qarsoon; waa lacagta ku jirta xisaabaadka bangiga ama hantida ku shaqaysa ee aan la kharashgareyn. Waa hantidaas tan ku siinaysa xasilloonida maskaxda, fursadaha mustaqbalka, iyo madax-bannaanida aad ku maamusho waqtigaaga.
2. Xorriyadda Maaliyadeed (Financial Freedom)
Dhinaca kale, Morgan Housel waxa uu si xeel-dheer u dhex galayaa nuxurka dhabta ah ee Xorriyadda Maaliyadeed. Waxa uu inoo sheegayaa xaqiiqo inta badan dadka ka qarsoon: xorriyaddu kuma xirna cadadka lacagta ee soo gasha xisaabtaada bangiga bishii, balse waxay ku xirantahay inta ay lacagtaasi kuu goyn karto "