True Cable Sports-News

True Cable Sports-News Waa Tv sports oo soo daaya Ciyaaraha Dalka Iyo Dibadda, kala soco sheekooyin iyo warbixino ku xiisa

Maamulka IDPs ayaa tababar u furay macallimiinta heerka koowaad ee IDPs, kaas oo ay ka qeyb galayaan 12 macallin oo loo ...
07/24/2026

Maamulka IDPs ayaa tababar u furay macallimiinta heerka koowaad ee IDPs, kaas oo ay ka qeyb galayaan 12 macallin oo loo dalacsiiyay heerka koowaad.

Mas'uuliyiinta IDPs ayaa sheegay in tababarkan uu ku suurtagalay isku-tashi ay sameeyeen maamulka iyo kooxaha IDPs, taasoo muujinaysa wadajir iyo dadaal lagu horumarinayo tayada macallimiinta.

Tababarka waxaa bixinaya Macallin Moha Yuusuf, wuxuuna socon doonaa saddex maalmood, iyadoo diiradda lagu saarayo kor u qaadista aqoonta iyo xirfadaha macallimiinta cusub ee heerka koowaad.

TARTANKA IDBS EE DEGMADA GALKACYO OO SI RASMI AH LOO DAAHFURAYWaxaa maanta si rasmi ah loo daahfuray Tartanka IDBS ee De...
07/04/2026

TARTANKA IDBS EE DEGMADA GALKACYO OO SI RASMI AH LOO DAAHFURAY

Waxaa maanta si rasmi ah loo daahfuray Tartanka IDBS ee Degmada Galkacyo, iyadoo munaasabadda furitaanka uu hoggaaminayay Guddoomiyaha IDBS ee Degmada Galkacyo.

Guddoomiyuhu wuxuu ku boorriyay dhammaan ka qaybgalayaasha inay muujiyaan kartidooda, ilaaliyaan anshaxa tartanka, isla markaana xoojiyaan ruuxa wadajirka iyo is-ixtiraamka.

Kooxda kubadda cagta R.S.C (EXSHAMPLUS) ayaa si rasmi ah u soo bandhigtay shan xiddig oo da'yar oo ka ciyaara boosas kal...
07/01/2026

Kooxda kubadda cagta R.S.C (EXSHAMPLUS) ayaa si rasmi ah u soo bandhigtay shan xiddig oo da'yar oo ka ciyaara boosas kala duwan. Ciyaartoyda la soo bandhigay ayaa kala ah: Cabdixakiin (Kanote), Zakariye Bashiir (Jr), Mohamed (Afey), Ciid, iyo Cabdullaahi Maxamed (Fanya). Kooxdu waxay rajo weyn ka qabtaa in xiddigahan ay door muhiim ah ka qaataan horumarka iyo guulaha mustaqbalka.

Kooxda SYL ayaa galabta ku guulaystay koob lagu xoojinayay nabadda, wadajirka iyo isdhexgalka bulshada Gobolka Mudug.Koo...
06/24/2026

Kooxda SYL ayaa galabta ku guulaystay koob
lagu xoojinayay nabadda, wadajirka iyo isdhexgalka bulshada Gobolka Mudug.

Koobkaan oo ay soo qaban-qaabiyeen Naadiga iskaashiga Soomaaliyeed ee NIS ayaa waxaa rigoorayaal looga qaaday kooxda NIS.

π—šπ—”π—”π—Ÿπ—žπ—”π—–π—¬π—’ | Waxaa galabta Garoonka Kubadda Cagta Maxamed Xaaji Uuray lagu qaban doonaa ciyaar lagu xoojinayo nabadda, wa...
06/24/2026

π—šπ—”π—”π—Ÿπ—žπ—”π—–π—¬π—’ | Waxaa galabta Garoonka Kubadda Cagta Maxamed Xaaji Uuray lagu qaban doonaa ciyaar lagu xoojinayo nabadda, wadajirka iyo isdhexgalka bulshada Gobolka Mudug.

Ciyaartan oo ay soo qaban-qaabiyeen Naadiga iskaashiga Soomaaliyeed ayaa qeyb ka ah dadaallada lagu dhiirrigelinayo isku xirnaanta dhalinyarada, horumarinta nabadda iyo kor u qaadidda wada noolaanshaha bulshada Gobolka Mudug.

Bulshada reer Gaalkacyo, gaar ahaan dhalinyarada, waxaa lagu wargelinayaa inay ka soo qeyb galaan munaasabaddan muhiimka ah ee lagu taageerayo nabadda iyo isdhexgalka bulshada.

⚽ CIYAARAHA CAASIMADAHA PUNTLAND HA MOOGAAN!Adigoo jooga gurigaaga ama goobtaada shaqada, waxaad si toos ah ugu daawan k...
05/05/2026

⚽ CIYAARAHA CAASIMADAHA PUNTLAND HA MOOGAAN!

Adigoo jooga gurigaaga ama goobtaada shaqada, waxaad si toos ah ugu daawan kartaa TRUE CABLE TV adigoon u baahnayn INTERNET.

Hadda dalbo Receiver-ka True Cable TV si aad ula socoto dhammaan ciyaaraha xiisaha leh.

πŸ“ž Wixii faahfaahin ah nagala soo xiriir:
612760050 | 7757097 | 7444848

Gaalkacayo Vs Badhan β€” Yaa badin doona galabta?
05/05/2026

Gaalkacayo Vs Badhan β€” Yaa badin doona galabta?

π‡π„π’π‡πˆπˆπ’ πˆπ’ 𝐀𝐅𝐆𝐀𝐑𝐀𝐃Maamulka Elite Academy Galkio Branch Iyo Maamulka Kooxda Kubada Cagta     ayaa Galabta Kala saxiixday ...
04/28/2026

π‡π„π’π‡πˆπˆπ’ πˆπ’ 𝐀𝐅𝐆𝐀𝐑𝐀𝐃

Maamulka Elite Academy Galkio Branch Iyo Maamulka Kooxda Kubada Cagta ayaa Galabta Kala saxiixday Heshiis Muhiim ah oo kor loogu qaadayo Sports Ka Iyo Waxbarashada Deegaanka

Labada dhinac ayaa Kala saxiixday Heshiis Kaas oo Elite Academy Gaalkacyo uu qaadan Doono taabagalinta Kooxda Sidoo Kalana uu siin Doono cayaartoyda Kooxda Xirfadaha Kala duwan ee Ka baxa Xarunta waliba si Bilaash ah.

Dhanka kale Kooxda ayaa ayadana dhankeeda samayn doonta soobandhigida Iskuulka Magaciisa ayadoo Ku cayaari doonta Calaamada Aqoonsiga Iskuulka.

Heshiiskaan ayaa socon Doono mudo 1 sano ah Waana mid la cusboosiin Karo markii loo baahdo

Ugu Danbayn heshiiska waxaa U Kala saxiixay dhinacyada Maamulka Sportiga Degmada Galkacyo Galmudug oo uu Ka joogay oo goob joog Ka ahaa Goobta heshiiska lagu Kala saxiixayay




Boqor Bashiir Boqor Ciise

Kooxda Hormar ayaa si buuxda ugu diyaar garoowday tartamada soo socda πŸ†Waxaana la soo bandhigay agabkii ciyaaraha si loo...
04/12/2026

Kooxda Hormar ayaa si buuxda ugu diyaar garoowday tartamada soo socda πŸ†

Waxaana la soo bandhigay agabkii ciyaaraha si loo xoojiyo tayada iyo diyaar garowga ciyaartoyda πŸ’ͺ⚽

Maamulka Ciyaaraha ee Gaalkacyo ayaa ganaax ku soo rogay laba ciyaaryahan oo lagu eedeeyay inay gacan u qaadeen garsoore...
03/28/2026

Maamulka Ciyaaraha ee Gaalkacyo ayaa ganaax ku soo rogay laba ciyaaryahan oo lagu eedeeyay inay gacan u qaadeen garsoore intii uu socday tartanka Ramadan Cup.

Ciyaaryahanada la ganaaxay ayaa kala ah Muqtaar Ceydarus iyo Axmed Cabdi Mahad.

Maamulka ayaa adkeeyay in go’aankan uu yahay mid lagu ilaalinayo anshaxa ciyaaraha, isla markaana uu digniin u yahay ciyaaryahan kasta oo jebiya xeerarka iyo ixtiraamka garsoorka.

Address

1765 Weston Road
Toronto, ON
M9N3P7

Telephone

+252906757537

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when True Cable Sports-News posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to True Cable Sports-News:

Shortcuts

Share

Category