19/03/2026
Guddoomiyaha ugu sarreeya kooxda kubadda cagta ee SAHAL GAS FC, Macallin Gulled Dhaashane, iyo dhammaan maamulka kooxdu waxay hambalyo diiran iyo bogaadin u dirayaan dhammaan Ummadda Soomaaliyeed, gaar ahaan ciyaartoyda kooxda, munaasabadda farxadda leh ee Ciidul Fidriga.
Ilaahay fadligiis, ciidan teeda kale nabad iyo caafimaad ha inagu gaarsiiyo. Waqti wacan iyo farxad la qaata qoysaskiina iyo asxaabtiina maalmaha Ciidda.
Xafiiska Warfaafinta ee
SAHAL GAS FC